Xisbiga KULMIYE OO Ku Dhawaaqay Goorta La Qaban Doono Shirka Golaha Dhexe

HARGEYSA – (WARSOOR) –  Hoggaanka xisbiga KULMIYE ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu farriin wargelin ah u dirayaa guud ahaan xubnaha Golaha Dhexe ee cusub ee ka soo baxay shirweynihii 4aad ee xisbiga KULMIYE ee dhawaan ka qabsoomay magaalada Hargeysa.

Wargelintan oo la xidhiidha qabashada shirka 7aad ee Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE iyo hawlaha u diyaargarowgiisa, waxa lagu faahfaahiyey qoraalkan hoos ku lifaaqan oo uu soo saaray Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere).