Xisbiga KULMIYE Oo Hargeysa Ku Qaabilay Murashaxiin Goleyaasha Degaanka Iyo Wakiiladda Uga Tartami Doona Gobolka Maroodijeex

Hargeysa – (warsoor) – Xisbiga taladda dalka Haya ee KULMIYE ayaa munaasibad soo dhoweyn ah u qabtay murashaxiin u sharaxan jagada xildhibaannimo ee goleyaasha Wakiiladda iyo Degaanka ee gobolka Maroodijeex.

Murashaxiinta munaasibadan lagu soo dhoweeyey ayaa kala ahaa Aqoonyahan Cumar Faarax Cabdilaahi oo u tartamaaya xildhiba xildhibaannimo ee Golaha Wakiiladda Somaliland ee gobolka Maroodijeex iyo Mustafe Cabdi Kiin oo isna u sharaxan xildhibaannimada Golaha degaanka ee degmada Hargeysa, kuwaas oo ka sharaxan xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE.

Munaasibadan lagu soo bandhigaayey Murashaxiintan oo ka qabsoontay magaaladda Hargeysa waxa kasoo qayb galay Siyaasiyiin,saraakiisha sar sare ee xisbiga KULMIYE oo uu hogaaminaayey Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE iyo guddoomiye ku xigeenka Saddexaad ee xisbiga ,wax garad, waayeel, dhalinyarro, haween iyo sidoo kale marti sharaf kale oo tiro badan.

Waxa ugu horeyn munaasibadaasi ka hadlay dadweyne tiro badan oo ay kamid ahaayeen, dhalinyarro, haween,wax garad, cuqaal iyo siyaasiyiin , iyaga oo dhammaantood balan qaaday in ay codkooda la garab istaagi doonaan labadan murashax, iyaga oo sidoo kalena tilmaamay in ay labadan murashax yihiin murashaxiin u qalma kana soo baxaaya xilalka ay u tartamayaan.

Geesta kalena waxa halkaas ka hadlay murashaxiinta kala ah Aqoonyahan Cumar Faarax Cabdilaahi iyo Mustafe Cabdi Kiin , waxaanay balan qaadeen in haddii ay kusoo baxaan doorashada ay u taagan yihiin ee Goleyaasha Degaanka iyo Wakiiladda in ay ka shaqayn doonaan Danaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Dheere oo isna goobtaas ka hadlay ayaa sheegay in ay aqbaleen ka xisbi ahaan in labadaas murashax ay ka tartamaan xisbiga KULMIYE, una metelaan doorashada Golaha Wakiiladda iyo Degaanka gobolka Maroodijeex.