Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Ka Jawaabay Hadalkii Wasiirka Warfaafinta Somaliland

Hargeysa – (warsoor) – Hogaamiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa maanta oo Isniin ah Jawaab ka bixiyey hadalkii ka soo yeedhay Wasiirka Warfaafinta Somaliland ee uu ku deedifeeyey waxqabadii Xirsi xiligii uu ahaa wasiirka Madaxtooyadda.

Xirsi Cali ayaa sheegay in Wasiir Cadaani uu ahaa gacan yarihiisii isaguna uu ahaa ninkii fuliyey dhismaha Waddada Ceerigaabo. Xirsi ayaa qiray in dhismaha waddadu uu amaanteeda iyo fikirkeeda uu leeyahay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Siilaanyo, balse uu isagu ahaa kii fuliyey ee hirgaliyey.

Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka jawaabay hadal uu wasiirku u xidhigay in gudoomiyaha xisbiga WADANI iyo Xirsi iyo asxaabtiisu ay neceb yihiin Askarta. Balse xirsi ayaa sheegay in darajadii ciidamada, mushahar kordhintoodii uu ahaa wasiirkii kala shaqaynaayey xukumadda, sidoo kale uu ka hadli jiray in wax loo qabto markuu wasiirka ahaa iyo hadda oo uu yahay mucaarid.

Halkan ka daawo wasiir xirsi oo arimahaasi uga waramay Wariye Xamse Bulbul:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.