Xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland oo ansixiyey ajandaha kalfadhiga kowaad

HARGEYSA – (WARSOOR) – Xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta ansixiyey ajandaha kalfadhiga kowaad,halka sidoo kalena warbixin ay ka dhageysteen Gudoomiyaha Guddida wax ka badalka iyo kaabista ku soo sameysay xeer hoosaadka golahaasi.

Fadhigii maanta Ee Golaha Wakiilada Somaliland oo uu shirgudoominaayey gudoomiyaha golahaasi Md-C/risaaq Khaliif Axmed ayaa mudanayaasha golahaasi waxay cod gacan taag ah ku meelmariyeen ajandaha kalfadhiga kowaad Ee Golahaasi Waxaana ogolaaday lixdan xildhibaan,waxaa diiday lix xildhibaan ,halka uu hal Mudane ka aamusay, Gudoomiyuhuna aanu codayn, waxaana sidaas ku meel maray Ajandaha Kalfadhiga Kowaad ee Gollaha wakiillada.

Qodobada ku jira Ajandaha Kowaad ee Kalfadhiga gollaha wakiillada waxaa ka mid ah xeerka shaqalaha Dowlada, xeerka sahaminta shidaalka iyo soo saaristiisa , Xeerka ka hortaga iyo Xakamaynta ka ganacsiga Tahriibka, xeerka macdanka qaranka, xeerka illaalinta xuquuqda carruurta, Wax ka bedelka Xeerka maaraynta Maaliyadda, Wax ka bedelka xeerka dekhliga Cashuuraha, Qabyo qoraalka xeerka shirkadaha Caymiska, Xeerka Dakhliga Shiidaalka iyo Wixii soo raaca.

Geesta kale Dhankiisana Xildhibaan C/lahi Muuse oo ahaa gudoomiyaha guddida golahaasi u xil saaray, wax ka badelka iyo kaabista xeer hoosaadka golahaasi wakiilada Somaliland ayaa mudanayaasha uga warbixiyey qaabkii ay ka guddi ahaan usoo sameeyeen xeer hoosaadka golahaasi wakiiladu ku howlgali doonaan, Waxaana mudanayaasha loo qaybiyey Xeer hoosaadkan ay wax ka bedelka ku soo sameeyeen si ay uga doodaan.