Xildhibaanada Golaha Wakiillada Jsl Oo Loo Qaybiyay Xeerka Shaqaalaha Dawladda Oo Ay Soo Naaqishi Doonaan

HARGEYSA – (WARSOOR) – Fadhigan oo uu shirguddoominaayay guddoomniyaha golahaasi Mudane Baashe Maxamed Faarax, ayay xildhibaanada golahaasi waxay warbixin ka dhageysteen xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalim oo ah guddoomiyaha guddida arrimaha bulshada, waxaanu ka warbixiyay xeerka shaqaalaha dawladda Somaliland, isaga oo xusay in kulan hawleed lagu gorfeynaayay xeerkaasi shaqaalaha dawladda ay ku qabteen caasimadda Hargeysa. Xeerkaasi shaqaalaha dawladda ayaa qodobadiisa waxa ka mid ah in xeerkan lagu qayaxo nidaamka xulista shaqaalaynta iyo magacaabista shaqaalaha dawladda.

Xeerkan shaqaalaha dawladda Jamhuuriyadda Somaliland oo golaha wasiirradu ay u soo gudibiyeen golaha wakiilllada ayaa xildhibaannada golahaasi loo qaybiyay maanta si ay u soo naaqishaan, halka sidoo kalena xildhibaanada golahaasi loo qaybiyay xeerka dekedaha Somaliland oo ka soo noqday mudanayaasha golaha guurtida Somaliland.