Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland Oo Booqasho Ku Yimi Xarunta Ciidanka Dabdemiska Ee Magaalada Hargeysa

Hargeysa – (warsoor) –  Qaar ka mida  xildhibaanada golaha wakiilada oo booqasho ku yimi xarunta ciidanka dabdemiska ee magaalada Hargeysa ee Somaliland.

Ugu horayn waxaa halkaa xidlhibaanada ku soo dhaweeyay maamulka ciidanka Dabdemiska Taliyaha ciidanka Axmed Sawaaxili iyo suldaan axmed daahir,waxaana waftigaa xildhibaanadaa horkacayay xildhibaan axmed yaasiin sheekh cali ayaanle oo ka mida xildhibaanada laga soo doorto gobolka awdal.Ujeedada waftigan xildhibaanadaa ayaa ahayd inay booqasho ku tagaan xarunta guud ee ciidanka dabdemiska oo ah xarun si casriya loo qalabeeyay isla markaana maamula ahaan iyo bilic ahaanba dhisan.

Taliyaha ciidanka Kornay Sawaaxili  ayaa xildhibaanada u sharaxay qaybaha kala duwan ee ay ka koobantahay xarunta talisku waxaanu sheegay inay imika jiraan Qaybaha Isgaadhsiinta,Caafimaadka, Hawlgelinta,Maamulka iyo Maaliyada, Gaadiidka,Qaybaha farsmada iyo tababarka bulshada,Qaybaha shaqaalaha iyo qaybo kaloo badan.

Sidoo kale waxaa uu taliyuhu u sharaxay in xarunta ciidanka dabdemisku leedahay xarun cunto oo afar iyo labaatanka saacadoodba ah isla markaana ay ciidanku saddexda wakhtiba halkaa joogaan.

Dhankooda xildhibaanada golaha wakiilada oo uu u hadlay Xidlhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ayaa ka mahadnaqay sida wanaagsan ee maamulka iyo saraakiisha ciidanka dabdemisku ugu soo dhaweeyeen taliska guud ee ciidanka dabdemiska,waxaanay ka markhaati fureen inay ka mid tahay xarumaha ugu bilicda wanaagsan ee ku yaala jamhuuriyada somaliland sidoo kalena ay tayaysanyiihiin saraakiisha ciidanka dabdemisku,waxaanay ballanqaadeen inay si dhaw ula shaqayn doonaan ciidanka dabdemiska.

Ugu dambayn kulankaas ayaa ku soo dhamaaday jawi is afgarad iyagoo xildhibaanadu ballanqaaday iyo markastaba la shaqayn doonaan ciidanka dabdemiska.

Xafiiska Wararbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha

Ciidanka Dab-demiska Somaliland.

Hargeysa/Somaliland.

Emergnecy Call. 990

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.