Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Akhrinta 1-aad marsiiyey Hindise Sharciyeedka Shirkadaha

Muqdisho (warsoor) Kulanka guud ee Golaha Shacabka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa waxa ay Xildhibaanada Akhrinta koowaad marsiiyeen Hindise Sharciyeedka Shirkadaha, waxaana Xildhibaanada u akhriyay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Maadaamaa hindise Sharciyeedkan uu maray Akhrinta koowaad ayay qaar ka mid ah Xildhibaanada golaha shacabka waxa ay su’aalo weydiiyeen wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha oo kulanka joogay.

Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa xildhibaanada u sheegay in aysan ka maqaan kulamada golaha, maadaama golaha howlo badan ay horyaalaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo kulanka soo xiray  ayaa sheegay in guddoonka golaha ay isla garteen in ladayactiro xarunta golaha shacabka, isagoo dhinaca kalena aad u amaanay howlaha gudiyada golaha, waxaana ugu dambeyn guddoomiyaha uu ka codsaday xildhibaanada In ay ilaaliyaan waqtiga kulamada guud ee golaha maadaamaa howlo badan ay golaha horyaalaan.

 

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.