Xildhibaan Ibraahim Ciise Buux Oo Sheegay Inay Jawi Nabadgelyo Ah Ku Soo Dhamaatay Wajigii 1aad Ee Qaashadda Kaadhka Codbixinta Deegaanadda Awdal

Boorama – (warsoor) – Xildhibaan Ibraahim Ciise  Buux, ayaa ka warbixiyey Kormeer isaga iyo wefti uu ka mid yahay ku soo mareen Deegaano hoos yimaada Gobolka Awdal oo wajigii 1aad ee 5-ta maalmood ahaa ee qaadashadda Kaadhka Codbixinta Doorashadda Somaliland, waxaanu tilmaamay inay si nabadgelyo iyo habsami ah u soo dhamaatay wajigii 1aad diwaangelintaasi.

Md  Ibraahim Ciise  Buux oo ka mida mudanayaasha  Gobolka Awdal ugu golaha guurtidda ee Somaliland oo shalay Warbaahinta la hadlaayey waxa uu ku tilmaamay inay si nabadgelyo iyo guul ah u soo dhamaatay diwaangelinta qaadashadda Kaadhka Codbixinta doorashadda ee Wajigii 1aad Bulshadda ku dhaqan Deegaanadda hoos yimaada Awdal isaga oo dadkii aanay u suurto gelin qaadashadda Kaadhka Codbixinta ku booriyey inay wajiga 2aad oo guddaha Magaalo madaxda Gobolkaasi ee Boorame ka bilaabaysa mudo 7 maalmood ahna socon doonta uu ka codsaday inay ka faa’iidaystaan dadkii hore u tahli wayey qaadashada Kaadhka.

Ibraahim Ciise  Buux,  oo ugu horeyn ka warbixinaayey Kormeerka goobaha qaadashadda Kaadhka Codbixinta ee Gobolka Awdal ka socota ay ku soo mareen waxa uu yidhi “Waxaan maanta Kormeer ku soo marnay goobaha lagu bixinaayey Kaadhaddhka Codbixinta doorashadda wefti ka kooban aniga, Maayarka degmadda Boorame iyo xubno kale, waxaanu kormeer aanu ugu kuurgalayno qaabka is diwaangelintu deegaanadda Boorame hoosyimaada uga socoto aan ka bilawnay Degmadda Qolujeed, Culaacule,Birdhiig, Abase iyo kuwo kale ay ka mid yihiin ayaanu kormeerka ku soo maray oo intaba si habsami ah uga socotay qaadashada Kaadhka Codbixinta Doorashadda oo halka ka socotay in mudo ah iyada oo ay meelaha badhkood Abaaro ba’ani ka jireen sida Deegaanadda Bir-dhiig oo ay reerihii yaalay hore uga wada guureen , hadana wixii inta suurta galka ay u noqotay ka soo qaybgeli karaayey way ka soo qaybgaleen iyo dadkii soo gaadhi karaayey qaadashadda Kaadhka doorashadda”

“Waxa dadkii ay Abaaraha dalka ka dhacay umadda ay kala firdhiyeen dadka deegaankanina kala mid ahaayeen umadda kale reer Somaliland ee Abaartu haleeshay, runtiina iyada oo aanay waraaqaha Codbixinta dadkii sidii la rabay u qaadan oo aanay meelihii ay iska diwaangeliyeen ku soo noqon oo xili ay dadkii maqan yihiin ay hadana ku soo beegantay qaadashada Kaadhadhku oo xata Islaantii umushayna aanu odaygeedu Kaadhkii u qaadi Karin oo Inankeedu u qaadi Karin hada waa tii umushay iyo qofkii bukay aan midna warqada loo qaadi karayn ilaa qofku isagu is diwaangeliyo ay sidaana ku  habsaameen dad badan oo ay u suuroobi wayday inay imika Kaadhadhka qaataan iyada oo kaliya qofka goobta yimaada uun uu qaadanaayey Kaadhka Codbixinta ee doorashadda oo qof kasta oo hore isku diwaangeliyey oo Aabe Inankiisa u soo dhiibtay Hooyo Inankiida u soo dhiibtay iyo umushii odaygeeda u soo dhiibatay Kaadhadhka aanu midna u suurto gelin inay Kaadhka codbixinta qaataan”

Xildhibaan Ibraahim Ciise  Buux,  oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxa nasiib wanaaga iyada oo arimo iyo duruufaha  badani joogaan oo waxaas oo dhami jiraan inay hadana mudadii 5-ta maalmood ee wajiga hore ee diwaangelintu socotay uu u soo dhamaaday inay si nabadgelyo ahna  Sanaaduuqdii meelaha aanu soo kormeeray  dib ugu soo noqotay magaaladda  Boorame iyada oo nabadgelyo ah taasi ayaa guula, waxaanan Illaahay uga mahadnaqaynaa inay si nabadgelyo ah inagaga soo afjaranto wajigii 1aad ee ahaa 5-ta maalmood ee ahaa dibadda iyo degmooyinka Magaaladda Boorame ka baxsan, imikana uu bilaabmi doono wajigii 2aad ee ahaa in mudo 7 maalmood ah ay ka bilaabanto guddaha magaalo madaxda gobolka Awdal ee Boorame qaadashadda Kaadhka Codbixinta ee doorashaddu, fariinta aan diraynaa waxay tahay dadka aan nasiibka u helin inay wajigii koowaad ee 5-ta cisho ee hore inay qaataan Kaadhka Codbixinta inay hada ka faa’iidaystaan Goobaha hore ee ay ka mid yihiin Degmadda Qolujeed, Jirjir , Culaacule Dhibdiid inay yimaadaan degmadda Boorame si ay magaalo madaxda uga qaataan si Kaadhka Codbixinta doorashadda intaas ayey tahay fariinta aan gudbinayaa”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.