Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun La Guddoonsiiyey 20,000 Dollar

HARGEYSA – (WARSOOR) – Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun ayaa si rasmi ah loogu wareejiyey 20,000 Dollar oo xalay ay ugu balan qaaday Xaliimo British oo ka mid ah Haweenka ganacsatada Somaliland, ka dib markii Wasiir Khadija Maxamed Diiriye oo ka tirsan Xukuumadda Somalia ay sheegtay in 20,000 dollar oo ay soo urursiy oo ay ugu talogashay xildhibaan Barkhad Batuun in ay kala noqotay.

Xildhibaan Barkhad ayaa lacagtan siday u dhamayd ku wareejiyey gudiga xaafada daami si xaafadaa loogaga dhiso Xarun caafimaad