Xidhiidhka Legdinta Ee Wasaaradda Ciyaaraha Oo Sameeyay Weycigelin Ku Saabsan Xanuunka Covid-19

Hargeysa – (WARSOOR) – Xidhiidhka legdinta ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ee Somaliland ayaa weycigelin ku saabsan xanuunka Covid-19 u sameeyay dadweynaha magaalada caasimadda ah ee Hargeysa.

Ugu horreyn guddoomiyaha xidhiidhka legdinta ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Cabdirixiin Sheekh Cali Maxamed (Farocadde) ayaa sheegay in bulshada ay ka weycigelinayaan khatarta xanuunka safmarka ah ee Covid-19 oo uu sheegay in mar saddexaad ay khatartiisii dib ugu soo noqotay dunida, isagoo ugu baaqay bulshada ku dhaqan caasimadda Hargeysa iyo guud ahaan shacabka Somaliland inay ka taxaddaraan khatarta xanuunkaasi.

Dhinaca kale, waxa uu ku booriyay dadka waaweyn iyo dadka xanuunnada hore la tacaalayay inay qaataan tallaalka Covid-19 isla markaana ay raacaan tallaabooyinka lagula dagaalamayo cudurkaasi ee ay hore u soo saartay wasaaradda horumarinta caafimaadka ee Somaliland.

Guddoomiye ku xigeenka xidhiidhka kubadda cagta ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ayaa isna sheegay in door weyn ay ka qaadan doonaan wasaarad ahaan sidii looga hortagi lahaa xanuunka Covid-19, isagoougu baaqay dhallinyarada somaliland inay ka qayb qaataan feejignaanta xanuunka dilaaga ee Coronavirus.