Xidhiidhka FA Oo Go’aan ka Gaadhay Henderson oo Cunsuriyeeyey Difaaca Arsenal ee Gabriel

Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa go’aan ka gaadhay kabtanka Liverpool ee Jordan Henderson oo ay ku socotay baadhitaan, kaddib markii uu cunsuriyeeyey difaaca Arsenal iyo xulka Brazil ee Gabriel Magalhaes oo ay isku dhaceen bishii hore.

Ciyaartii Arsenal ay ku garaacday Liverpool bishii hore ayuu Magalhaes u dacwooday garsoore Michael Oliver oo isuguna iskugu yeedhay labada tababare ee Mikel Arteta iyo Jurgen Klopp oo uu la socodsiiyey falka dhacay.

FA-ga oo baadhitaan sameeyey ayaa la kulmay labada  ciyaartoy oo mid walba gaarkiisa ay waraysi ula yeesheen intii uu socday baadhitaanka lagu samaynayay falkan, waxaana ugu dambayntii uu xidhiidhku gaadhay go’aankii la sugayay.

Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray waxa uu ku sheegay, in baadhitaannadii ay sameeyeen ay ku qanceen in aanay wax cunsuriyad ahi dhicin, isla markaana aan wax ganaax ah lagu ridayn kabtanka  Liverpool ee Jurgen Klopp.

War-saxaafadeedka ayaa u qornaa  sidan: “Xidhiidhka FA waxa uu helay cabashada fal u dhexeeyey laba ciyaartoy kulankoodii. Natiijada cabashada, xidhiidhka FA waxa uu sameeyey baadhitaan dhamaystiran oo ay ku jiraan warbixino aanu ka helany goob-joogeyaal, dacwoodaha iyo eedaysanaha iyo sidoo kale lix ciyaartoy oo kale. Sidoo kale, dhinacyo kala duwan ayaa laga eegay muuqaalladii dhacdada, iyadoo khubaro ay raadinayeen caddaymo madaxbannaan.

“Midkoodna goob-joogeyaasha ma aanu maqlayn hadalka laga cawday, ciyaartoyga lasoo eedeeyeyna waxa uu beeniyey inuu sameeyey waxa lagu soo eedeeyey.”

Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA waxa uu meesha ka saaray in wax ganaax ama ciqaab ah lagu ridayo Jordan Henderson, sababtoo ah wax dembi ah laguma helin.