Xeer Ilaaliyaha Qaranka: “1,220 qof oo Soomaali ah ayaa ku xiran 22 dal oo caalamka ah”

Muqdisho – (warsoor) – Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in maxaabiis ka badan Kun Soomaali ah ay ku jiranyihiin xabsiyo ku yaala 22 dal oo ku yaala caalamka.

Dr. Axmed Cali Daahir ayaa tilmaamay in maxaabiistaasi aysan heysan cid u doodda islamarkaana lagu rido xukun dheer, wuxuuna ka codsaday madaxda dowladda iyo bulshada in ay iska kaashadaan sidii loogu gurman lahaa maxaabiistaasi Soomaaliyeed.

xeerilaaliyaha_soomaaliya

“Kun Laba boqol iyo Labaatan qof ayaa waxey ku xiranyihiin 22 dal oo caalamka ah oo loo heysto burcadbadeed, hindiya oo kaliya ma aha waa 22 wadan hadii ay tahay Sishelis, Malta, Kenya Iran, Baxreyn, Cuman, Imaaraadka, Filipin Japan, Viatnam, America, caalamka oo dhan ayeey ku xiranyihiin dad Soomaaliyeed, dadkaasi anagey naga sugayaan iney cadaalad helaan” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha qaranka.

Dr. Axmed Cali Daahir oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Dadkaasi intooda badan burcadbadeednimo ayaa lagu xukumaa Xuquuq maleh, Looyar looma qabto, isma difaacaan, marqaati looma keeno 15 sano 20 sano ayaa lagu xukumaa”.

Xeel ilaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in muhiimaddu ay tahay in dadkaasi ay helaan cid u doodda oo xuquuqdooda difaacda iyo in kuwa la kuxumay ay helaan xabsiyo leh nolol wanaagsan, wuxuuna xusay in xabsiyada hindiya ay yihiin kuwa ugu liita caalamka.

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.