Xasan Sheekh Maxamuud: Lama aqbali karayo hadalkii Xaliimo Yarey ee shalay

Muqdisho – (warsoor) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wax lala fajacay oo aan wakhtigaan la filayn ku tilmaamay tallaabaddii shalay Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) uu ku dalbaday wakhti dheeraad si dalka ay uga dhacdo doorasho waafaqsan dastuurka dalka.

Guddoomiyaha guddigani, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey), ayaa shalay Golaha Shacabka ka horjeedisay hadal-jeedin muddo la sugayay, taasi oo ku aaddan doorashada lagu wado in ay ka dhacdo Soomaaliya.

Xaliimo Yarey ayaa soo bandhigtay laba nooc oo ay u dhici karto doorashada soo socoto, iyadoo sheegtay in nooca ku xusan sharciga doorashooyinka ee dhawaan uu saxiixay Madaxweyne Farmaajo uu yahay mid wakhti iyo kharash badan u baahan, sidaa awgeedna ay tahay in ay helaan taageerada siyaasadeed ee guddigu u baahan yahay.

Balse Xasan Sheekh Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in hadalka guddiga uu xambaarsanaa muddo kordhin loo sameeyo hay’adaha dastuuriga ee dalka, taasi oo uu sheegay in aan la aqbali karayn.

“Hadal-jeedinta guddiga oo muddo laga war-dhowrayay waxay noqotay mid aad looga fajacay, oo dadka Soomaaliyeed ay yirahdeen tani taan u dhigannay ma ahaba. Wixii laga sugayay ama looga fadhiyay ama loo igmaday oo dadku ay ku aamineen ma ahayn shalay guddiga waxay meesha ku soo bandhigeen,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda madax ka ah mid ka mid ah xisbiyada sida kumeel gaarka ah loo diiwaangeliyay.

“Lagama sugeyn marna muddo kordhin iyo abuurid mugdi siyaaseed oo hor leh in dalka uu guddiigii madaxa bannaanaa ee dastuuriga ahaa oo umadda Soomaaliyeed kalsoonida ay siisay in ay baarlamaanka la hor yimaadaan.”

Tan iyo shalay waxaa socotay doodaha iyo falcelinya ka imaaneysay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo ururrada mucaaradka.

Waxaana dadku ay aad u hadal hayaan soo jeedinta noocyada doorasho ee ay soo jeedisay Xaliimo Yarey.

Xasan Sheekh waxa uu guddiga doorashooyinka ku dhaliilay in muddo saddexsano ah ay shacabka u sheegayeen in dalku uu diyaar u yahay doorasho balse haatan sida uu sheegay ay muddo kordhin u sameynayaan hoggaanka dalka oo uu sheegay in ay ku fashilmeen arrimaha doorashooyinka dalka.

“Muddo saddex sano ah ka badan, guddigu waxay noo sheegayeen in ay doorasho diyaar ka tahay dhankoodu haseyeeshee hadal jeedintii guddiga waxaa ka soo baxday in ay ummadda Soomaaliyeed u hoosaasiyeen oo wakhti xeero iyo fandhaal kala dheceen ay umadda u soo badnhigeen in ay ruux dheereysi u sameynayaan hoggaan muddo afar sano ah wax ka qaban waayay doorashada dalka.”

Xigasho: BBC SOMALI