Xafiisyadii KULMIYE ee Woqooyiga Ameerika oo la xidhay iyo Is-casilaadda masuuliyiinta oo sii Tusbax furtay noqotay

Denver – (warsoor) – Waxa gebi ahaanba albaabada loo laabay inta badan xafiisyadii uu Xisbiga Kulmiye ku lahaa Woqooyiga Ameerika, gaar ahaan labada dal ee Maraykanka iyo Canada, kaddib markii ay xilalkii iska casileen qaar ka mid ah masuuliyiintii ugu sarreysay ee hawlahaas u qaabilsanaa Xisbiga.

Waxa dhawaan xilalkii ay Xisbiga ugu qaabilsanaayeen dalka Maraykanka iska casilay lix ka mid ah masuuliyiintii ugu sarreysay oo ay ku jiraan Guddoomiyeyaashii Garabyada Haweenka & Dhalinyarada, Afhayeenkii xisbiga iyo tirada dhowr ka mid ah guddoomiyeyaasha xafiisyada uu xisbigu ku leeyahay gobollada Maraykanka, waxaana ilaa immika socda is-casilaadaha masuuliyiinta xisbiga ee gobollada dalkaas.

Go’aanka ay masuuliintani isu-casileen ayaa lagu sheegay khilaaf xooggan oo soo kala dhex-galay iyaga iyo hoggaanka sare ee Xisbiga oo ay ku eedeeyeen cadaalad-darro iyo maamul-xumo, sida ay shaaciyeen masuuliyiinta is-casilay oo warbaahinta ku shaaciyey go’aankooda todobaadkan.

Haddaba, waxa maanta isaguna xilkii uu hayey iska casilay oo warbaahinta la soo xidhiidhay masuul xisbiga Kulmiye u qaabilsan Abaabulka iyo Wacyi-gelinta gobollada dalka Maraykanka oo lagu magacaabo Warsame Xaaji Cabdi oo fadhigiisu yahay magaalada San Fransisco ee gobolka California.

Warsame Xaaji Cabdi waxa uu masuuliyadda iyo khilaafka jira dusha ka saaray hoggaanka ugu sarreeya ee Xisbiga Kulmiye oo uu ku dhaliilay inay ka indho-saabteen khilaafka jira isla markaana waxba laga qaban waayey, taasina ku kalliftay inuu iska casilo xilkii uu xisbiga ka hayey.

“Anigoo ah Warsame Xaaji Cabdi ahna guddoomiyaha Abaabulka iyo Wacyigelinta ee dalkan Maraykanka, waxaan halkan ka shaacinayaa inaan iska casilay xilkii aan u hayey xisbiga oo aan muddo badan ka soo shaqaynayey, xubnaha ugu firfircoonna ka ahaa.

Maanta Kulmiye faro madhan buu ka joogaa Maraykan, sababtoo ah waxa xumaaday maamulkayagii sare ee xaggan (Maraykan) oo lagu soo koobay laba wiil oo Siilaanyo adeer u yahay. Waxaan odhan karaa maanta waxa kaliya oo Furan laba xafiis oo ka kala furan Minesotta oo Maraykan ah iyo Toronto oo Canada ah, waxaana labadaas xafiis awooddooda ku takri fala dhaqaalihiisana qaata labadaas nin oo lagu kala magacaabo Cali Salaad iyo Mustafe Cabdi Cartan.

Si xalka dhibaatada aan uga qayb qaato, waxaan la xidhiidhay baaqyona u diray madaxda sare ee Xisbiga, laakiinse waa layga dhaga-furaystay, dhawaaqaygana waa la maqli waayey, runtiina taasaa igu kaliftay inaan aniguna iska casilo xilkii aan hayay, waayo maba jirto meelaan ku hadho iyo maamul aan ka sii tirsanaado, waayo immika waxa la xidhay oo aan shaqayn 17 xafiis oo raggii joogay badankoodu is-casileen qaarna ka cadhoodeen sida waxa loo wado.”

Si kasaba ha ahaatee, masuulkan ayaa noqonaya kii Lixaad ee muddo todobaad ah shaaciyay inuu iska casilay xilkii uu ka hayey xisbiga Kulmiye laantiisa Woqooyiga Ameerika.

Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye ayaan ilaa hadda ka hadal khilaafka kala jabiyey masuuliyiinta iyo taageerayaasha Woqooyiga Ameerika. Haseyeeshee mar aanu isku daynay inaanu arrintan wax ka weydiinno, nooma suurto-galin inaanu khadka telefoonka ku helo hoggaanka sare ee Xisbiga iyo shakhsiyaadka xisbiga uga wakiilka ah Maraykanka ee laga cawday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.