Xafiisyadda Xisbiga Wadani Ee Bariga Burco Oo Dhaqdhaqaaq Muujiyay iyo Doorka Ay Ku Leeyihiin Dhalinyarada Aqoonyahanka ahi

Burco – (warsoor) -Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani ayaa bilihii u dambeeyay dhaqdhaqaaq xoog leh iyo olole ay dabkiisa huriyeen dhalinyaro Aqoonyahani ka bilaabay Bariga Burco ee Magaala madaxda labaad ee dalka. Ololahan oo Xiisa gaar ah galiyey guud ahaanba qeybo badan oo kamid Bulshada ku nool Gobolka Togdheer iyo Degmooyinka hoos yimaada waxa lagu war helay mudadii lagu jirey Bisha barakeysan ee Ramadaan sida uu uga min cad yahey Xafiiska Weyn ee laga furey inta u dhexeysa Nawaaxiga Huteelka Plaza iyo New Burco oo Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani ka furtey Xaafadaasi kaas oo ku noqdey Xidig Cusub oo Xiisa gaar ahi ku lamaan yahey.

Sidaa daraadeedna aragtida Xorta ah ee ay usoo Bandhigeen Dadweynaha Aqoonyahanka Da.da yar ee uu Hurmuudka u yahey Muuse Yuusuf Raabi Xoghayaha Qorsheynta Xisbiga Mucaaridka ah Wadani Waxaana Xusid mudan in dhaqdhaqaayadan himilooyinka cusub ee hayaanka Xisbiga Wadani ku abuureen Waayo cusub  iyo mawduucyo dabar adag ka furey tabista sanado badan ay filayeen Bulshada Burco oo qeyb ka ah in lagaga gudbo kala oodnaanta iyo naxliga lagu kala xadeeyo dad walaalo ah oo isku Deegaan isku xaalad iyo isku nololba ah taas oo ay had iyo jeer Aabe uyihiin Kooxo Siyaasiyiin ah oo ilaa mudo dheer dayr ku kala xidhey Magaalada Burco laf ahaanteeda.

Si kasta oo Xukuumada xubnaha kaga jira Bariga Burco uga waji gabxeen dhaqdhaqaaqyada Xisbiga Wadani ee Waaga u baryey Gobolka Togdheer u noqdey Bulshada Deegaankaasi waxa muuqd rajo la.aan badan oo ka dhex guuxeysa in Shacbigu kaga dareen Celiyeen Wasiiro iyo Xubno kale oo inta badan ku sanduleeya Shacbiga Bariga Burco in ay Xisbi Lukuudki Yuhuuda u aqoonsadaan Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani haseyeeshee, Fikirkoodaasi noqdey mid laga adimey Xiligan oo ay dadweynuhu kaga jawaab celinayaan in ay ku muquuniyaan rabitaankooda iyo dabeylaha cusub ee reexaanta ku noqdey in Isbadel loo baahan yahey wakhti xaadirkan lagaga xuubsiibto Siyaasadii Kulmiye ee lagaga xiisa dhacey talaabooyinka ay ku cabudhinayaan Rabitaanka Shacbiga.

Waxaana bilaabmey maalmihii u dambeeyay Sakatigii Xukuumadii Udub Ciidamada Booliska ugu adeegsan jirtey Waagii Kulmiye Mucaaridka ahaa taas,oo sabab u aheyd guuldaradi Udub Doorashadii kala kulantey 2010kii,haba gu dambeyso dhacdadii Baldhiig ee Dhalinyaradii Shirka wadatashi Wadey loo Direy Ciidamada Faraha Badan taas,oo Shakiga Kulmiye Wadani ka qabo xiligan Gobolka Togdheer Gaar ahaana Bariga Burco ay qeyb ka aheyd.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.