Xaaladda Magaalada Gaalkacyo oo saakay Dagan

Gaalkacyo – (warsoor) – Waxaa saakay dagan xaalada magaalada Gaalkacyo oo baryahaan danbe ay ka socdeen dagaallo u dhexeeya ciidamo kala taabacsan maamullada Puntland iyo Galmudug.

Culamaa’udiinka iyo waxgaradka ku dhaqan magaalada ayaa wado dadaallo nabadeed oo lagu joojinaayo dagaallada ka socdo magaalada Gaalkacyo oo sababay qasaaro isugu jira dhimasho, dhaawac iyo barakac aad u ballaaran.

gaalkacyo

Sidoo kale, waxaa isa soo taraya gurmadka bani’aadanimo ee loo fidinaayo qoysaska ka barakacayaasha ah ee ka cararay colaadaha ka jiro magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana hey’adda ICRC ay shalay dadkaasi gaarsiisay gurmad raashin ah oo isugu jira bur, bariis iyo sokor si loola tacaalo xaaladda bani’aadanimo ee ay ku sugan yihiin barkacayaashaasi ku dhibaateysan duleedka magaalada Gaalkacyo.

Dowladda Soomaaliya ayaa hay’adaha deeqaha bixiyo iyo shacabka Soomaaliyeed ee wax heysto waxa ay ugu baaqday in gurmad bani’aadanimo oo deg deg ah lala gaaro dadka barakacayaasha ah ee ku dhibaateysan duleedka magaalada Gaalakacyo si wax looga qabto xaaladooda maadaama ay heysato dhibaato nololeed oo aad u liidato.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.