Xaalada Hirsutism oo Dumarka Ku Keenta Timo aan Xaad ahayn

HIRSUTISM Waa xaalad caafimaad darro oo qofka dumarka ah ku keenta in timo aan xaad ahayni ay ka soo baxaan meelaha ay ragga ka soo baxaan, sida gadhka, shaarubaha, shafka, dhabarka iyo bawdyaha.
Sida ay sheegtay shabakadda ‘Science Direct’ boqolkiiba 5 – 15 dumarka adduunka ku nool ayaa lagu arkaa xaaladdan Hirsutism.

SABABAHA KEENI KARA

Sababta ugu badan ee keenta xaaladda Hirsutism waa hormoonnada lab ee Androgens ka oo ku bata gabadha, gaar ahaan hormoonka Testosterone.
(Androgens: Waa hormoonno ka qaybqaata korriinka iyo tartanta. In kasta oo lab lagu tiriyo, haddana dhaddiga qudhiisu xaddi yar oo ka mid ah ayaa uu soo saaraa).
Sababahaas keena waxa ka mid ah:

  1. Qanjidh kelyoodka (Adrenal) oo weynaada, xaaladdan oo magaceeda loo soo gaabiyo, (CAH), waa khalkhal dhinaca hidde-sideyaasha ah oo saamayn ku yeesha qanjaha ‘Adrenal’ oo kelyaha dushooda ah.
  2. Dawooyinka qaarkood ayaa iyaguna xaaladdan sababi kara; waxaa ka mid ah dawada ‘Minoxidil (Rogaine)’ iyo ‘Danazol (Danocrine)’ iyo dawlooyinka la midka ah.
  3. Marka uu ninku isticmaalo dawooyinka Mariska ah ee maqaarka dushiisa oo uu ku jiro hormoonnada Androgen, haddii ay gabadha jidh ahaan is gaadhaan waxa ay u badan tahay in ay ka qaado xanuunka Hirsutism.

YAA U NUGUL XANUUNKAN
Xaalado badan ayaa jira oo haddii ay gabadhu leedahay ay khatar u tahay ama u nugushahay xanuunkan, waxaa ka mid ah:

  1. Hidde – haddii cid qoyskeeda ahi lahayd xaaladaha keena Hirsutism, waxa ay u nugushahay in uu iyadana ku dhaco.
  2. Dumarka isirka ku leh dadka u dhashay deegaannada ay ka mid yihiin: Badda midhatereeniyaanka, Bariga dhexe iyo dalalka gobalka Koonfurta Aasiya ayaa lagu arkaa Hirsutism. Laakiin culimada saynisku weli ma’ay ogaan sababta dumarka deegaannadan u nuglaysay Hirsutism.
  3. Buurnimada ayaa iyaduna kordhisa hormoonnada Androgen, taas oo keeni karta ama sii xumayn karta xaaladda Hirsutism.

CALAAMADA LAGU GARAN KARO IN XAALADDANI AY GABADHA HAYSO

Xaaladdani calaamadaha ay leedahay waa kuwa aynu sheegnay ee ah in timo aan kuwa xaadda loo yaqaanno ahayni ay ka soo baxaan meelaha ragga lagu yaqaannay. Laakiin haddii xaaladdani ay muddo dheer gabadha hayso waxa ka dhalata xaalad loo yaqaanno ‘Laboow’ (Virilization). Haddii xaaladdu heerka laboowga gaadho waxaa gabadha lagu arkaa calaamado ay ka mid yihiin:
Codka oo weynaada, bidaar, fin doob, naasaha oo intoodii hore ka yaraada, cufnaanta muruqyada oo intii hore ka badata, iwm.

GOORMA AYEY TAHAY IN XAALADDAN DHAKHTAR LOO GEEYO

  1. Timaha wejiga oo sii bataa inta badan waxa ay calaamad u tahay in ay jirto dhibaato caafimaad oo si hoos ah u sii fidaysa, sidaas awgeed waa muhiim in dhakhtar la tuso si uu u qiimeeyo xaaladda.
  2. Haddii ay gabadhu aragto in timaha jidhkeeda ka soo baxayaa ay si xawaare sare ku socota u kordhayaan ama ugu sii fidayaan, ama ay isku aragto calaamadaha laboodka, waxaa muhiim ah in ay aragto dhakhtar ku takhasusay khalkhalka hormoonnada (Endocrinologist). Haddii xaalad maqaarka ahi jirtana waxaa muhiim ah in ay aragto dhakhtar maqaar (Dermatologist).

DHIBAATOOYINKA AY XAALADDANI QOFKA KU KEENI KARTO

Hirsutism waxa uu gabadha ku keenaa caafimaad darro nafsadeed, sida murugo, cuqdad, shaki ay dadka ka qabto iyada oo ka filaysa in xaaladdeedan ay ku nici doonaan ama ku ceebayn doonaan, diiqad iyo qulub.

Nasiibwanaag Hirsutism isagu xaalad ahaantiisa ma keeno dhibaato jidheed oo ka dhalata, laakiin xaaladaha sababta u ah ee dhinaca hormoonnada ayaa sababi kara khataro caafimaad.

KA HORTAG MA LEEYAHAY?

Hirsutism ma’aha xaalad laga hortegi karo, laakiin haddii ay gabadhu buurantahay in ay miisaanka dhintaa waxa ay caawin kartaa in ay hoos u dhacdo xaaladda Hirsutism ku.

DAWEYN
Waxaa jira habab daryeel iyo daweyn waxtar leh oo lagu daweyn karo Hirsutism ka.

DIGNIIN

  1. Haweenka qaata dawooyinka loo isticmaalo xaaladda Hirsutism waa in aanay uur qaadin muddada ay daweyntu u socoto.

2.Haddii gabadha qabta Hirsutism ay isku aragto khalkhal caadada ah, waxaa muhiim ah in ay dhaqso ugu tagto dhakhtarka.

Mayo Clinic Iyo #Ilo_kale

Kamaal Marjaan