Wer Degdeg ah Baraalamka Somaliya oo codka kolsoonida siiyay Raysalwarsaha cusub .

Muqdisho-(warsoor)- Mudanayaasha barlaamka ayaa codka kolsoonida u qaaday Raysalwasaraha cusub ee Somaliya mudane Xasan Cali Kheyre, madaxweynaha jamuriyada mudane Maxamed C/laahi Maxamed ayaa furay kalfadhiga koobaad ee Baarlamaanka 10-naad, waxaana shir guddoominayay guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sh. Cismaan Jawaari.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hor inta aan loo qaadin codka kalsoonida waxa uu khudbad dhinacyo badan taabaneysay u jeediyay xildhibaanada Baarlamaanka, isaga oo ka codsaday inay siiyaan codka kalsoonida, si uu u soo dhiso xukuumad u adeegta dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa carabka ku adkeeyey in xukuumadiisu aysan wax dul qaad ah u yeelan doonin falalka la xidhiidh Musuq maasuqa iyo wax is daba marinta, waxana uu yidhi, “Waxaan ballanqaadi doonaa in qofkii lagu helo falal musuqmaasuq ah laga qaadi dooono tallaabo sharci ah, mana jiri doono shakhsi sharciga ka sarreeya, taasna waxaad ka arki doontaan in dhammaan Ummaddu u sinnaan doonto sharciga hortiisa, iyadoon cidna looga haybaysanayn xilka iyo mansabka dawladeed ee uu dalka iyo dadka u hayo”.

Soo jeedinta ka dib gudoonka barlamaanku waxaa uu codka kolsoonida ah u qadaaday sida uu qabo qodobka 69aad dastuurka jamuuriyada somaliya , codka aya waxa uu ahaa gacan taag cod dheeri ah ,barlamanka ayaa waxa soo xaadirey 231 mudane , codka kolsonida waxa siiyay raysalwasaha cusub 231 mudane ma jirin cid ka aamustay ,waxaa natiijada ku dhawaqay gudoomiyaha barlamka mudane Cisman Jawari .

Intaas ka dib waxaa barlamaanka u mahad celiyay raysalwasaha cusub mudane Xasan Cali Kheyre , waxa uu balanqaaday in uu sida ugu dhakhsaha badan uu u soo dhisidoono xukumada .

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.