Wefti culus oo ay hoggaaminayaan Guddoomiyaha iyo Musharraxa madaxweyne Xisbiga WADDANI oo si balaadhan loogu soo dhaweeyay Burco

BURCO – (WARSOOR) – Wefti culus oo ay hoggaaminayaan Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Musharraxa madaxweyne mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa si balaadhan loogu soo dhaweeyay magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer.


Kumanaan ka mid ah taageerayaasha Xisbiga iyo madaxda heer gobol iyo heer degmo ayaa magaalada Burco si weyn ugu soo dhaweeyay Weftiga madaxda Xisbiga WADDANI. Mudane Cabdiraxmaan Cirro iyo Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa taageerayaasha uga mahadceliyay soo dhawaynta heerka sare, islamarkaana u jeediyay hadallo ku aaddan xaaladda dalka iyo tallaabooyinka gurracan ee xukumadda madaxweyne Muuse ku kacaysay muddooyinkii u dambeeyay