“Waxa La Haya Oo Duuban Guddoomiyihii Komishanka Oo Ilma Yar Oo Da’diisu Ka Hoosayso Xilligii Codaynta Isagu U Fududaynaya Sidii Uu U Codayn Lahaa,” Xoghayaha WADDANI

London – (warsoor) – Xoghayaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI  Md Khadar Xuseen Cabdi (Looge) ayaa sheegay in eedaha xisbigu u jeediyay Guddida Doorashooyinka Qaranka ay yihiin kuwo loo hayo dalliillo cad-cad, islamarkaana ay waajib tahay in la kala diro Komishanka.

Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa horraantii sanadkii hore madaxweyne Biixi u gudbiyay qoraal 14 bog ka kooban oo xambaarsan in la kala diro Komishanka doorashada. Qoraalka ayaa lagu xusay in guddidu khaladaad ka samaysay doorashadii madaxtooyada ee 2017.

Xoghayaha WADDANI oo waraysi ku siiyay dalka Ingiriiska telefishanka Universal ayaa sheegay in xisbigu caddaymo u hayo khaladaadka ay guddida Doorashooyinku sameeyeen “Guul iyo guul darro cidi imika kama hadlayso oo doorashada waanu aqbalay waanu hanaynay oo way socotay, Madaxweyne Muuse Biixi-na waa madaxweynahayga iyo madaxweynaha dhammaan umadda Jamhuuriyadda Somaliland laakiin, waxa la isku haya waxa weeye Khaladaadkii iyo gefefkii Komishankani sameeyeen. Gefefka Komishankani sameeyeena gefef cadcad ayaa ka mid ahaa. Waxa la hayaa oo ‘live’ ah(Toos ah) oo duuban Guddoomiyihii Komishanka oo Ilmo Yar oo da’diisu ka hoosayso xilligii Codaynta isagu u fududaynaya sidii uu u codayn lahaa. Marka anagu taanu ka hadlayna taa weeye, waxaanu ka hadlayna waar doorashadeenii wax baa inaga khaldamay ee darsi maxay ah baynu ka baran karna? Sidee baynu doorashooyinkeena u hagaajin karna? Sidee baynu u qaban karna doorashooyin daahfuran doorashooyinka soo socda? Marka wixii tagay kama hadlayno ee mustaqbalka ayaanu ka hadlayna,”Sidaas ayuu yidhi Xoghaye Khadar Looge

Xoghayaha WADDANI waxa uu sheegay in aanay ahayn markii u horaysay ee xisbi ka cawdo Komishanka sida caadiga ahna cid kasta oo garsoorka ka cabata xaq u leedahay in laga bedelo “ Taariikhda Somaliland maaha markii u horaysay ee xisbi mucaarad ahi ka cawdo Komishan ee uu yidhaahdo ‘uma aragno in Komishankaasi shaqada gudan karaan’ 2009-kii ayay dhacday laakiinse waxa joogay madaxweyne ogol in uu dadkiisa u tanaasulo, waxa joogay madaxweyne ogol in doorashooyinku dhacaan oo hore loo socdo Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, Saddexdii xisbi waxay isla go’aansadeen in Komishankii la kala diro waliba Komishankaasi wax doorasho ah may qaban, marka waaba mandaqa caadiga ah aniga iyo adiga haddii qof inoo garqaadayo oo aad tidhaa qofka kuma kalsooni in aan anigu idhaahdo isaga uun baan wadanaya waxaan isleeyahay in ay jaban tahay,” Ayuu yidhi Xoghaye Khadar.

Xoghayaha WADDANI waxa uu sheegay in qoraalka xisbigu ka gudbiyay Komishanka 13 bilood ka hor ahaa mid qodobadiisu faahfaahsan yihiin oo lagu bandhigay khaladaadka Komishanka lana mariyay dariiqiisii sharci laakiin, madaxweynuhu qareen u noqday guddida doorashooyinka isaga oo aan jawaab ama aragtidiisa ku soo celin xisbiga WADDANI  “Waxaanu u aragna in aanay masuuliyadda dib u dhaca doorashooyinka cid la wadaagta jirin madaxweynaha, masuuliyaddana madaxweynuhu leeyahay runtiina ceeb ay Qaranka ku tahay in ay doorashooyinku dib u dhacaan,” Sidaas ayuu yidhi Khadar Xuseen Cabdi.

Danjire Baashe Cawil Oo Ka Hadlay Xafiiska Kenya Ka Furanayso Hargeysa

Wakiilka Somaliland Ee Nayroobi ayaa Kenya Ku Boorriyay In Kenya Airways Duulimaad Ka Bilawdo Hargeysa

Nairobi(Waaberi) Warbaahinta dalka Kenya ayaa si weyn u qaada dhigtay xafiis dawladda Kenya ka furanayso Somaliland. Wargeysyada Kenya ayaa tilmaamay in tallaabada Kenya ku doonayso in ay Danjire Philip Mundia Githiora ugu magacowdo Somaliland tahay mid ishaaraysa in Kenya kor u qaadayso xidhiidhka Somaliland.

Wargeyska Daily Nation ee dalka Kenya ka soo baxa ayaa tilmaamay in Kenya ku wehelinayso Hargeysa Xafiisyada Itoobiya iyo Jabuuti ku leeyihiin. Waxa uu sheegay in hirgelinta xafiiskan iyo magacaabista masuulkani ku timid kulamo wasiirka arrimaha dibadda Kenya Monica Juma la yeelatay wakiilka Somaliland ee Nairobi Baashe Cawil Cumar iyo wasiir Sacad Cali Shire. Waxa uu sheegay in ay hadda bixisay amarka lagu dhisayo xafiiska Kenya ee Hargeysa.

Wakiilka Somaliland ee Nairobi Amb Baashe ayaa wargeyska u sheegay in Somaliland iyo Kenya leeyihiin xidhiidh ilaa xilligii Gumaystaha “Xidhiidh dheer oo taariikhi ah ayaanu lahayn Kenya ilaa xilligii gumaystaha. Tallaabada Kenya u qaaday in ay Hargeysa Safaarad kaga furato waa mid si weyn kor ugu qaadaysa dhaqaalahayaga, horumarkayaga iyo Macaamilaadka bulshada,” Sidaas ayuu yidhi Amb Baashe Cawil.

“Dadka tirada badan ee reer Kenya ee ku nool Somaliland waxay caddayn u tahay soo dhawayntayada wanaagsan,” ayuu yidhi Danjiraha oo intaasi raaciyay in xidhiidh ganacsi oo dhexmara Kenya iyo Somaliland kor u qaadayo heerka nolosha iyo dhaqalaha.

Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya waxa kale oo uu dawladda Kenya ku boorriyay in ay shirkadda Kenya Airways duullimaadyo toos ah ka bilawdo Hargeysa iyo Nairobi taas oo sahlaysa isu socodka labada dal korna u qaadaysa in fursadaha labada dhinac laga wada faa’iidaysto.

Somaliland ayaa hore Nairobi ugu qabatay shir ku saabsan fursadaha ganacsi ee Somaliland oo ay ugu baaqday in ganacsatada Kenya ka faa’iidaysato waxaana hore u jirtay danayn badan oo ka imanaysay gobolka qaadka Mirooga qaniga ku ah oo si weyn u danaynayay in uu suuq ka helo Somaliland.

Xigasho: Waaberi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.