Wasirka Qorsheynta XFS oo qaabilay wakiilka Soomaaliya ee hey’adda QM u qaabilsan Carruurta iyo waxbarashadd ee UNICEF

Muqdisho-(WARSOOR)-Wasiirka wasaaradda Qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan, oo uu weheliyo agaasimaha guud Mudane wasaaradda qorsheynta Asad Yusuf iyo la-taliyaasha wasaaradda, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka Soomaaliya ee Hey’adda Qaramadda Midoobay u qaabilsan Carruurta iyo waxbarashadda ee UNICEF- Soomaaliya Angela Kearney oo booqasho sharafeed ku timid xarunta Wasaaradda.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaqiijinta ballan qaadyada deegaanka ee 2.0, mashaariicda fayadhowrka iyo nadaafadda ee gobolka Banaadir iyo hirgelinta hindisadayaasha ay dowladdu hormuudka ka tahay ee saxnaanta xogta iyo dhisidda wadajirka si dalka loo gaaro horumar waara.

Wasiir Jamaal ayaa ku booriyay wakiilka inay xoojiyaan wada shaqeynta ka dhaxeysa Wasaaradda iyo UNICEF si loo adkeeyo doorkeeda hirgelinta Qorshaha horumarinta qaranka ee NDP-9.