Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo kala hadlay Safiiradda Faransiiska ee Soomaaliya fursadaha iskaashi wadaagga

Muqdisho – (WARSOOR) – Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan, ayaa shalay oo Axad ahayd (21 November) ku qaabilay Muqdisho, Safiirka Jamhuuriyadda Faransiiska u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Aline Kuster-Menager, isagoo kala hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee saaxiibada ah iyo arrimo kale oo ahmiyad leh.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay siyaabaha kor loogu qaadi karo iskaashiga amniga, xiriirada ganacsiga iyo maalgashiga, iyo sidii loo horumarin lahaa fursadaha abuuritaanka iskaashi faa’iido u leh labada dal.

This post is also available in: Somali

Share via
Copy link
Powered by Social Snap