Wasiiro Xukumadda Somaliland Oo Dadweynaha Adhicadeeyey La Shaaheeyey

Adhicadeeye – (warsoor) – Wefti uu hor kacayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta gaadhay degmada Adhicadeeyey ee Gobolka Sool.

DSC_0314

Waftiga Madaxweynaha Somaliland ayaa waxa ka mid ahaa Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada JSL, Xildhibaano, iyo madax kale oo tiro badan.

DSC_0378

Waftiga ayaa waxa si wayn loogu soo dhaweeyey deegaanka Adhicadeeye, iyadoo ay halkaasi ku qaadeen boqolaal ka tirsan dadweynaha deegaankaasi, Sulaadiin, Ugaasyo, iyo qaar ka mida Isimada gobolka Sool.

Wasiiro tiro badan oo toban gaadhaya oo uu ka mid ahaa Wasiirka Madaxooyadda JSL mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa dhex lugeyey gudaha degmada cusub ee Adhicadeeye, iyagoo soo dhawayn diiran kala kulmay dadka deegaankaasi.

Wasiirada ayaa sidoo kalena ka shaaheeyey makhaayad ku taala Adhicadeeye, iyagoo kula kulmay qaar kamida dadweynaha degmadaasi.

Madaxweynaha iyo waftigiisa oo ku nastay kana qadeeyey Adhicadeeye, ayaa sidoo kalena halkaasi kaga qayb galayaan shir balaadhan oo la xidhiidha gogoshii nabada ee Madaxweynuhu u fidiyey dadka ku dhaqan gobolada bariga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.