Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo la kulmay Wasiirka Tacliinta Sare iyo Cilmi Baarista Masar

Muqdisho – (warsoor) – Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre ayaa magaalada Qaahira ee Dalka Masar kula kulmay Wasiirka Tacliinta Sare iyo Cilmi Baarista dalka Masar Dr. Khaled Abdel Ghaffar.

Labada Masuul ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa Iskaashiga Waxbarasho ee ka dhaxeeya Labada Dal, iyadoo Wasiirka Tacliinta Sare iyo Cilmi Baarista Masar uu balanqaaday inay Ardeyda Soomaaliyeed ee deeq Waxbarasho ka hesha Masar u fududeyn doonaan Dalkugalka sida uu sheegay Wasiir Goodax.

“Waxaan kulan kula yeeshay magaalada Qaahira, Wasiirka Tacliinta Sare iyo Cilmi Baarista ee dalka Masar  Dr Khaalid Caadif waxaana ka wada hadalnay sii xoojinta xiriirka waxbarasho ee ka dhexeeya labada dal, waxaan kaloo isla soo qaadnay inay muhiim tahay inaan heshiis is afgarad aan wada saxiixano si uu mira dhal u noqdo wada shaqaynta ka dhexeysa labada wasaaradood, waxaan ka codsaday  Wasiirka sidii loogu fududeyn lahaaa  dalku galka ardayda deeqda waxbarasho ka heshay dalka Masar arrintaas oo uu ballanqaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qaban doono”.ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada XFS.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya ayaa sidoo kale u bandhigay Dr. Khaled Abdel Ghaffar in Jaamacadaha Soomaaliya iyo kuwa Masar loo abuuro jawi ay heshiisyo dhan walba ah ku galaan iyagoo la mataaneynayo.

Mudane Cabdulaahi Goodax Barre ayaa sidoo kale la kulmay Wasiirka Waxbarashada dalka Masar Dr. Daariq Showqi oo ay ka wada hadleen sidii dib u eegis loogu sameyn lahaa Heshiis hore u dhex maray Soomaaliya iyo Masar iyo inay kaalin ka qaataan tababarada macallimiinta Soomaaliyeed sida uu sheegay Wasiir Goodax.

“Waxaan kulan kula yeeshay magaalada Qaahira Wasiirka Waxbarashada dalka Masar Dr. Daariq Showqi, waxaana ka wada hadalnay in dib u eegis lagu sameeyo heshiiskii 2015 la saxiixay. Waxaan sidoo kale ka wada hadalnay xoojinta xiriirka waxbarasho ee ka dhexeeya labada dal iyo in ay kaalin ka qaataan tababarada macallimiinta Soomaaliyeed.

Wasiir Cabdulaahi Goodax Barre ayaa sheegay in Casuumaad uu dalka ku imaanayo uu u fidiyay Wasiirka Waxbarashada dalka Masar si loo dhameystiro heshiisyada ay hore u gaareen Labada Dowladood.

 

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.