Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL Oo Kulan La Yeeshay Madaxda Xafiiska Imtixaanaadka iyo Shahaadooyinka Qaranka

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL Dr.Axmed Aadan Buuxane oo ay wehelinayeen Wasiir ku xigeenka iyo Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi Dr. Maxamuud Yuusuf Cilmi, Cabdirisaq Jaamac Nuur Naakhuude iyo qaar ka mid ah agaasime waaxeedyada iyo masuuliyiin ka socday jaamacadaha Hargaysa ayaa kulan xog-waraysi ah la yeeshay madaxda xafiiska imtixaanaadka iyo shahaadooyinka Qaranka JSL.

Ugu horeyn, waxa kulankaa war-bixin ka jeediyey Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka iyo Shahaadooyinka Qaranka Md.Daa’uud Axmed Faarax iyo ku xigeenkiisa Xasan Muxumed Qalinle waxaanay Wasiirka iyo madaxda WW&S halkaa ku siiiyeen war-bixintii ugu danbaysay ee hawlaha imtixaanka Qaran xaaladaha diyaargarawgu halka uu marayo.

Waxaanay madaxda xafiiska imtixaanaadku sheegeen, in guud ahaan hawlaha imtixaanku si habsami ah u socdaan oo aanay jirin wax mushkilad ah oo haatan taagan, isla markaan berito oo ay taariikhdu tahay 22/6/2024 loo fadhiisan doono imtixaanaadka shahaadigga ah ee sannad dugsiyeedka 2023-2024.

Ugu danbayn, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL Dr.Axmed Aadan Buuxane ayaa madaxda xafiiska imtixaanaadka iyo Wasaaradda waxbarshadda Somaliland uga mahadnaqay sida xilkasnimada leh ee ay hawlaha qaranka u wadaan.

Geesta kale, Wasiir ku xigeenku waxa uu ku amray dhammaan madaxda kala duwan ee waxbarashadda ee heer degmo iyo heer gobol ba, in ay heegan buuxa galaan oo ay diyaar u ahaadaan hawlaha imtixaanaadka shahaadigga ah.