Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda oo kulan la yeeshay Ururka Warbaahinta Mareegaha Somaliland ee (SOMA)

Hargeysa – (WARSOOR) – Waxa ka qabsoomay Hall-ka shirarka ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda kulan uu Wasiirku la yeeshay Ururka Warbaahinta Mareegaha Somaliland ee loo soo gaabiyo (SOMA).

Kulankan ayaa looga hadlay sidii loogu gudbin lahaa Bulshada Somaliland xog sugan, loogana dheeraan lahaa wixii bulshada midnimadeeda iyo wadajirkeeda wax yeelaya, loona tayayn lahaa bixinta adeegga warbaahineed, iyada oo la adeegsanayo Tiknoolajiyadda Casriga ah iyo in la xoojiyo wadashaqaynta laba dhinac.

Xafiiska Warbaahinta ee WIT

This post is also available in: Somali

Share via
Copy link
Powered by Social Snap