Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga Oo U Ambabaxay Gobollada Bari Ee Somaliland

Hargeysa – (WARSOOR) – Wasiirka wasaaradda horumarinta maalgashiga io warshadaha ee Somaliland Cabdillaahi Cabdiraxmaan Aarre ayaa u ambabaxay gobollada Bari ee Somaliland, iyagoo kormeer iyo indho indhayn kusoo samayn doona maalgashiga iyo warshadaha ka jirta gobolladaasi.

Wasiirka oo la hadlaayay warbaahinta dawladda ayaa sheegay in safarkoodu uu ku saabsan yahay sidii ay u soo indho indhayn lahaayeen xaaladda maalgashi iyo warshadeed ee gobollada bari ee Somaliland, waxaana uu tilmaamay in kormeerkan oo kale ay kasoo sameeyeen galbeedka Somaliland.

Wasiirku waxa uu intaas raaciyay in kooxda ku wehelinaysa kormeerkan ay isugu jirto, koox soo ururin doonta xogta warshadaha iyo heerka waxsoosaarkooda, iyo koox kale uu ka samayn doonta Filin Dhokomantariya oo ay soo saari doonaan markay soo dhammaato shaqadu.

 Wasiirku waxa kale oo uu intaas ku daray inay ku go’aan qaadan doonaan xogta kasoo baxda kormeerkaasi, taasoo ka turmi doonta heerka waxsoosaar ee warshadaheenna iyo xaaladda maalgashiga Somaliland.