Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga JSL oo xafiiska ku qaabilay wakiilka Imaaraatka Carabta (UAE) u qaabilsan Somaliland

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga JSL Mudane Cabdilahi Cabdiraxman Aare oo ay wehelinayso Agaasimaha guud ee Wasaaradda Marwo Farxiya X. Maxamed Cabdiraxmaan ayaa xafiiska ku qaabilay wakiilka Imaaraatka Carabta (UAE) u qaabilsan Somaliland Hon. Cabdulla Alnaqbi.

Kulanka oo ahaa midkii u horeeyey ee safiirku wasaarada booqasho ku imaado tan iyo intii madaxweynuhu usoo magacaabay wasaarada wasiirka wasiirka cusub.

Ujeedka kulanka ayaa daarnaa isbarasho iyo soo dhaweyn labada masuul midba midka kale kusoo dhaweynayey xidhiidhka bilowga ah iyo sidii looga wada shaqayn lahaa maalgashi iyo wax soosaar dalka gudihiisa ah ooy qayb ka noqdaan maalqabeenada Imaaraatka Carabtu.
Intii kulanku socdey ayaa wasiirku ku dheeraadey sida ay isbadal badan ugu yimid dhaqaalaha Somaliland mudadii ay DPWORLD ay maalgalinta ku samaysay dekada Berbera iyo wadadda isku xidhi doonta Somaliland iyo Ethiopia (Berbera Corridor). Sidoo kale in la kobciyo wax soosaarka gudaha, taasina ku imanayso maalgalin balaladhan.

Dhankiisa isaguna waxa uu wakiilku ka hadlay caqabadaha ka jira dhanka maalgashiga, taasoo caqabad ku noqon karta in uu suurtagalo maalgasho, ayn muhiim tahay sidii loo fududeyn lahaa shuruudaha iyo sharciyada kala duwan ee ilaha la maalgashado.

Ugu dambayntii kulanka ayaa kusoo gabogaboobey ooy labada dhinac isla qaateen in la xoojiyo sidii looga shaqayn lahaa in la maalgashado Somaliland maadaama ay leedahay khayraad dihin. Wixii caqabado jira loo fududeyn lahaa.

@Xafiiska warbaahinta
Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga

Website:https://moip.govsomaliland.org
Twitter: https://twitter.com/SomalilandMOIP