Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha JSL oo kormeeray warshada Saabuunta ee ILAYS

BURCO – (WARSOOR) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha JSL mudane Cabdilaahi Cabdiraxmaan Aare oo safar shaqo ku jooga magaalada Burco ayaa kormeer ku tagay warshada saabuunta ee ILAYS.

Safarkan wasiirka ayaa daaran kormeer iyo indhoindhayn xaalada guud iyo wax-soosaarka warshadaha iyo sidoo kale xog ururin lagu ogaanayo warshadaha shaqadooda iyo awooda ay u leeyihiin inay buuxiyaan baahiyahay loo qabo loogana maarmo wax soo dajinta.

Sararku wuxuu salka ku hayaa mid loogu baxayo dhamaan gobolada dalka kasoo laga diyaarinayo film dhawaan lagusoo bandhigi doono wax-soosaarkooda carwada warshadaha dalka oo dhawaan ka dhici doonta magaalada hargaysa.

@Xafiiska warbaahinta
Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha

Website:https://moiid.govsomaliland.org
Twitter: https://twitter.com/SomalilandMOIP