Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha ayaa kulan la qaatay Hay’adda FCA Investment

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga iyo Warshadaha JSL Mudane Cabdilahi Cabdiraxmaan Aare oo ay ku weheliyaan Agaasimaha guud ee wasaaradda iyo lataliyeyaasha wasaarada ayaa kulan la qaatey madaxda sare ee Hay’ada FCA Investments (FCAI)

Wasiirka wasaaradda horumarinta maalgashiga iyo warshadaha mudane Cabdilahi Cabdiraxman Aare ayaa kulan is xogwaraysiya kula qaatey halkan oo ah xafiiskiisa madaxda sare ee Hay’ada FCA Investments (FCAI), waxana kulanka ku wehelinayey agaasimaha guud iyo lataliyeyaasha wasaaradda.

Kulanku wuxuu kale ee uu daarnaa soo dhaweyn iyo sidii ay Ha’addu ugala shaqayn lahayd wasaaradda arimaha maalgashiga ee ay maalgaliyaan. Waxana istii kulanku socdey lagu lafo gurey arimo ay u muhiimsanaayeen sidii FCA kor ugu qaadi lahayd maalgalinta ay ka samayso wadamadda bariga Africa ee ay Somaliland ka mid tahay, sanadkan bilaabmayna muhiimad gaara usiin lahayd.

Ugu dambayntii kulanka ayaa kusoo gabogaboobey sidii si wada jira loo xoojin lahaa wada shaqaynta ka dhaxaysa wasaaradda iyo Hay’ada FCA Investments (FCAI) ayna kooxda farsamadu usii wadi lahaayeen shaqooyinka muhiimka ah ee ay wada qabanayaan.