Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Oo Warbaahinta Kula Hadlaayay Xafiiskiisa Ayaa Sheegay Inuu Kor U Kac Ku Yimi Xaaladda Xanuunka Safmarka Ah Ee Covid-19

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdilaahi Bade oo warbaahinta kula hadlaayay xafiiskiisa ayaa sheegay inuu kor u kac ku yimi xaaladda xanuunka safmarka ah ee Covid-19.

Wasiir Bade ayaa sheegay in bishii ugu dambaysay uu sare u kacay xaaladaha xanuunka Covid-19, isagoo sheegay in badhitaanno ay ku sameeyeen shalay oo keliya 400 oo qof ay ka heleen 20 ka mid ah, wasiirku waxa uu intaas daray in aanay weli garan nooca xanuunka Coronabirus, maadaama uu jiro nooc ka halis badan kii hore uu imikka adduunyada si dhakhso ah ugu faafaya.

Wasiiru waxa uu intaas raaciyay in arrintani ay tahay mid werwer ku abuuraysa wasaaradda horumarinta caafimaadka isla markaana waajib ka dhigaysa in bulshada iyo qarankuba ay ka hawlgalaan sidii loola wada dagaalami xanuunkaasi. Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdilaahi Bade waxa uu ugu baaqay bulshada inay ku dhaqanto tallaabooyinkii ay hore u soo rogtay wasaaradda horumarinta caafimaadka ee ahaa afxidhashada, nadaafadda iyo kala fogaanshaha.

Gebogebadii wasiirka caafimaadku waxa uu ku boorriyay ciddii isku aragta tilmaamaha xanuunka Covid-19 inay yimaaddaan xarumaha caafimaadka, isagoo dhanka kale sheegay in tallaalka xanuunku uu ku diyaar yahay lixda xarumood ee caafimaadka ee magaalooyinka waaweyn ee dalka. Wasiirku waxa uu sheegay in muhiimad gaar ah ay leeyihiin dadka waaweyn, kuwa xanuunnada la nool iyo kuwii qaatay tallaalkan qaybtiisii hore.

HALKAN KA DAAWO WARKAN: