Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL oo Soo Xidhay Shir Maayarada dalka

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa soo xidhay shir ballaadhan oo muddo laba cisho ah Hotel Ambassador, ugu socdey Maayarada dalka, Hay’adaha Caalamiga ah ee jira dallada Mashruuca JPLG iyo Wasaaraddaha qaybta ka ah Mashruuca maamul Daadejinta.

Shirkan ayaa ku saabsanaa dib-u eegista qorshihii 2022 wixii ka qabsoomay iyo hirgelinta qorshaha sanadka 2023 ka, iyadoo mudadii uu socdey aad loogu falanqeeyey arimaha muhiimka ah ee ka hirgalay qorshihii sanadkan sii dhamaanaya iyo mashaariicda la hirgelinayo sanadk 2023 ka ee maamul Daadejinta Dawladda Hoose ee dalka.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, oo soo xidhay shirkan galabta ayaa uga mahadnaqay ka soo qayb galashaa shirkan sida mudadii uu socdey loogu lafa-guray qorshaha la filayo in la fuliyo 2023 ka.

Wasiirka ayaa si qoto dheer uga waramay maraaxilkii uu soo maray Mashruuca JPLG, isagoo Wasiirku sheegay in Mashruuca JPLG uu Somaliland ka bilaamay sanadkii 2008-dii iyadoo lagu bilaabay laba degmo oo keli ah, maantana la filayo in uu wada gaadho 23 ka degmo doorasho ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo Wasiirku u mahadnaqay Hay’adaha ina ka taageera mashruuca maamul Daadejinta Dawladaha Hoose.

Labadii maalmood ee uu socdey shirku waxaa hogaaminayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Yuusuf Ismaaciil.

Xafiiska Warbaahinta Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.