Wasiirka WasaaradaHorumarinta Maaliyadda Somaliland oo Hortagey Golaha Wakiilada

HARGEYSA – (WARSOOR) – Masuuliyiinta sare ee Wasaaradda H. Maaliyadda ayaa maanta hor tagay Golaha Wakiilada JSL iyaga oo u gudbiyey Wax-ka-badelka iyo Kaabista lagu sameeyey Xeearka kala ah Xeerka Maamulka iyo Maaliyadda Xeer Lr. 75/2016 iyo Xeerka Guud ee Dakhliga Xeer Lr. 72/2016.

Asbaabaha Wax-ka-badelka :
  1. Khaladaad iyo gal-daloolooyin ka soo baxay,
  2. Qabyo ka muuqata qeybo muhiim u ah isla xisaabtanka, hufnaanta, iyo daah furnaanta maamulka maaliyadda iyo dakhli ururinta Dawladda. Faa’iidooyinka Wax-ka-badelka Xeerarka:
  3. Kordhinta isla xisaabtanka, hufnaanta, iyo daah furnaanta maamulka Maaliyadda iyo Dakhliga Dawladda.
  4. Waxa uu suurtogelinayaa in Gollaha Wakiiladdu u guto waajibaadkiisa, korjoogtaynta iyo isla xisaabtanka si dhamays tiran, isla markaana waxa uu waajibinayaa in uu helo Gollaha Wakiiladu warbixino dhamays tiran oo ku saabsan sida loo maamulay loona isticmaalay maalka dawladda;
  5. Kordhinta Awoodaha fulineed iyo isla xisaabatn ee Maamulka Dakhliga
  6. Dhismaha hanti-dhawr gudeed oo ay yeelan doonaan dhammaan hay’adaha kala duduwan ee dalku.
  7. Ka qeyb-galka dadweynaha ee Diyaarinta Miisaaniyadda
  8. In la abuuro Khasnadda Mideysan ee Dawladda ( Treasury Single Account).