Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo la Kulmay Madaxweynaha Masar

Masar -(WARSOOR)-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wasiirada Warbaahinta Carabta ayaa maanta Madaxtooyada Masar kulla kulmay Madaxweynaha Masar mudane Abdel Fattah El-Sisi.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa salaan uu ka siday Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud gaarsiiyay Madaxweynaha Masar Mudane Abdel Fattah El-Sisi isagoo uga warbixiyay horumaradda kalla duwan ee dowladda ku tilaabsatay ee dhinacyadda Siyaasadda, Waxbarashada, Amniga iyo Dhaqaalaha.

Wasiirka ayaa qeyb ka ahaa kulan uu maanta Madaxweyne Al Sisi kula yeeshay Madaxtooyada dhammaan Wasiirada Warfaafinta dalalka ku jira Jaamacadda Carabta.

Intii lagu guda jiray kulanka Madaxweynaha  Masar ayaa Wasiirada Warbaahinta Carabta u sharaxay muhiimadda doorka istiraatiijiyadeed ee warbaahinta iyo taageerada dadaallada dalalka carabta si loo gaaro xasillooni iyo horumar, iyada oo la dardargelinayo arrimaha qaranka iyo wacyiga bulshada ee dalalka Carabta.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac aya maalinta barita qaahira uga qeyb gali doonna Kal-fadhiga 52-aad ee Golaha Wasiirrada Warfaafinta Carabta oo ka furmaya xarunta Jaamacadda Carabta.