Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo Kormeeray Suuqyada Magaalada Laascaanood

Laascanood – (WARSOOR) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, oo maalmihii u danbeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa maanta kormeerey suuqyada iyo shaarac yada kala duwan ee magaaladaasi.

Sidoo kale waxa wasiirka oo ay weheliyaan maamulka gobolka Sool iyo ka degmada Laascanood shir la yeeshen gudida Covid19 ee gobolka .Sool iyadoona wasiirku ka xogwaraystey gudida sida ay u wadaan ka hortaga iyo la dagaalanka Covid19.

Waxaana uu wasiirku soo jeediyey in ay ka xukuumadd ahaan diyaar la yihiin sidii loo dar-dar galin lahaa ka hortaga iyo xakamayta Covid19,gobolka Sool-na uu kamid yahay meelaha sida wayn looga diyaar garoobey caabuqa Covid-19.