Hargeysa – (warsoor) – Wasiirka Warfaafinta Somaliland ahna afhayeenka xukuumadda Somaliland ayaa maanta sheegay in lacagta ku baxday gurmadii abaaraha ee madaxweynaha Somaliland uu hogaaminaayey inay dhamayd $2,100,000.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Md. Cismaan Saxardiid Cadaani ayaa sheegay in gurmadii madaxweynaha Somaliland ee uu hogaaminaayey ay deeqo iskugu jira, raashin, biyo, sharaab iyo dhar la gaadhsiiyey dadka ay abaaruhu ku dhufteen ee kala joogay goboladda Bariga Somaliland.
Wasiir Cismaan Saxardiid oo ka hadlaya lacagta ku baxday gurmadka abaaraha oo galay wajigii saddexaad ayaa yidhi, “Lacagta halkaasi ku baxday waxaa weeye laba milyan iyo boqol kun oo dollar ($2,100,000). Waxaa weeye waa bill gudaheed lacagta intaa leeg ee gurmadkaa ee balaadhan ku baxday”.
This post is also available in:
Somali