Wasiirka Warfaafinta OO Hargeysa Ka Furay Kulan Wada-Tashiga

HARGEYSA – (WARSOOR)  – Kulankan oo si heersare ah  loo soo Agaasimay waxa ka soo qaybgalay Wasiirrada Wasaaradaha Horumarinta Beeraha, Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga, Md. Axmed Muumin Seed iyo Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Bandare,  Wasiirka Horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka  Qorsheynta Md. Xasan Maxamed Cali(Gaafaadhi), Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mustafe Godane Cali Bile, Guddoomiyaha Komishanka maamul-wanaagga iyo la-dagaalanka Musuqmaasuqa, Dayib Aadan Xaaji Cali, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada iyo masuuliyiin ka socday Wasaaradaha iyo Hay’adaha kala duwan ee dawladda.

 Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Warfaafinta, Deeq Aw Cali Yuusuf ayaa sheegay in kulankan ay ka doonayaan inuu ka soo baxo maxsuul la xidhiidha wada shaqeynta wacyigelinta ee Laamaha dawladda oo dhan.

Sidoo kale, waxa kulankaas ka hadlay Agaasimaha Waaxda Wacyigelinta ee Wasaaradda Warfaafinta, Cabdicasiis Maxamed Cali, waxaanu sheegay in muddo bilo ah oo ay jirtay waaxdaas ay qabatay barnaamijyo wacyigelineed oo ka baxay warbaahinta Qaranka,waxaanu tilmaamay in loo baahan yahay inay wacyigelinta uga wada shaqeeyaan dawladdu si wadajir ah.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa u mahadceliyey Wasaaradaha iyo Hay’adaha dawladda ee soo ajiibay kulankaas wadatashiga ah ee ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafintu, waxaanu sheegay in lagama maarmaan tahay in Wasaaraduhu ay Warfaafinta kala shaqeeyaan dhinaca wacyigelinta.

Agaasime Maxamed Yuusuf waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in la mideeyo wacyigelinta arrimaha bulshada ee ay samaynayaan Hay’adaha dawladdu.

Guddoomiyaha Komishanka Maamul-wanaagga  Dayib Aadan Xaaji Cali ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in soddon sanno markii u horreysay la sameeyo siyaasadii wacyigelinta heer qaran, waxaanu tilmaamay in ay Wasaradda Warfaafinta kala shaqeynayaan hawlaha wacyigelinta oo ahmiyad ballaadhan ugu fadhiya dalka.

Sidoo kale, waxa kulankaas ka hadlay Wasiirrada Wasaaradaha Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, Beeraha Axmed Muumin Seed, Deegaanka Shaqada Shugri Xaaji Ismaaciil Bandare iyo Qorshaynta Qaranka Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), Arrimaha Bulshada Mustafe Godane Cali Bile, waxaanay sheegeen inay soo dhaweynayaan shirkaas isla markaana ay barnaamijyada wacyigelinta kala shaqeyn doonaan Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta. Wasiirradu waxay soo dhaweeyeen in Wasaaradda Warfaafinta loo daba fadhiisto wixii wacyigelin ah oo ay yeelato siyaasadda lagu hagayo iyo fulintaba.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Md. Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo kulankaas si rasmi ah u furay ayaa sheegay in loo baahan yahay si dhab ah loo xoojiyo wacyigelinta, isla markaana ay Wasaaradaha iyo Hay’adaha dawladdu ay kala shaqeeyaan Wasaaradda warfaafinta sidii loo mideyn lahaa wacyigelinta kala duwan.

Wasiirka Warfaafintu waxa uu ka warramay saameynta taban ee ay baraha bulshadu ku leeyihiin dalka, waxaanu tilmaamay in waxyaabaha lagu qoro baraha bulshadu aanay wada run ahayn isla markaana aanay lahayn meel loo raaciyo masuuliyada waxyaabaha lagu qorayo.

Wasiir Saleebaan Cali Koore wuxuu sheegay in shacbiga Somaliland ay yihiin dad muslim ah oo loo baahan yahay in laga hortago wixii barobagaando ah ee ku wajahan qiyamka bulshada iyo waxbarashada.