Wasiirka Warfaafinta ee Lubnaan oo sheegay inuu diyaar u yahay inuu ka tago xilka

Muqdisho -(WARSOOR) – Wasiirka Warfaafinta ee Lubnaan George Kordahi ayaa Jimcihii sheegay ย in uu diyaar u yahay in uu is casilo haddii ay jiraan dammaanad qaadyo ah in dalalka Khaliijka ay beddelaan mowqifkooda ku wajahan Lubnaan.

Xidhiidhka u dhexeeya wadamada Khaliijka iyo Lubnaan ayaa xumaaday hadaladii uu Kordahi ka yidhi colaadda Yemen ka hor intii aanu qaban xilka dawladda cusub ee Lubnaan,iyadoo dalalka Sacuudi, Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE), Kuwait, iyo Bahrain ay dib ugu yeerteen safiirradoodii Lubnaan.

Yemen ayaa waxaa hareeyay rabshado iyo xasillooni darro tan iyo sannadkii 2014-kii, markaasoo fallaagada Xuutiyiinta ee xulafada la ah Iran ay qabsadeen inta badan dalkaas oo ay ku jirto caasimadda Sanc, taas oo Xulafada Sucuudigu hogaaminayo na aad uga soo horjeedo qorshaha xuutiyiinta.