Wasiirka Maaliyadda JSL Oo Kulan U Furay Mas’uuliyiinta Wasaaraddaasi

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa mas’uuliyiinta wasaaradda maaliyadda u furey kulan lagu gorfeynayey dejinta qorshe hawleedka wasaaraddaasi ku shaqeyn doonto sannadka 2021-ka.

Waxaana kulankaas ka qayb galay wasiirka wasaaradda maaliyadda, wasiir ku xigeenka, agaasimaha guud iyo agaasime waaxeedyadda wasaaraddaasi, ugu horreyn waxa halkaasi ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland Maxamed Cabdi Gurxan oo faahfaahin ka bixiyay u jeeddada kulankaas oo uu ku sheegay in la doonayo in lagasoo saaro qorshe hawleedka sannadka 2021 ee wasaaradda maaliyadda oo waafaqsan qorshah guud ee qaranka, isaga oo u mahadceliyay wasiirka wasaaraddaas Dr. Sacad Cali Shire oo uu sheegay in uu hirgeliyay dejinta qorshe hawleedka sannadlaha ah iyo isla xisaabtanka wasaaraddaasi ee sannadka dhammaadkiisa.

Geesta kale, wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda Muuse Ibraahin Yuusuf (Muuse Salaf) oo halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay muhiimadda uu kulankaasi u leeyahay wasaaradda horumarinta maaliyadda iyo guud ahaan qaranka Somaliland, oo uu xusay in uu wax weyn ku soo kordhin doono.

Gebogebadii, wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Jahmhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo isagu furey kulankaasi ayaa u mahad celiyay guud ahaan hawl wadeennada wasaaradda maaliyadda Somaliland, wuxuuna sheegay guud ahaan lagu guuleystay qorshaha hawleedkii sannadkan sii dhammaanaya ee wasaaradda maaliyadda oo uu hirgelintiisa ku ammaanay shaqaalaha wasaaradda maaliyadda.