Taleex – (warsoor) – Wasiirka Khayraadka Biyaha Somaliland iyo wefti uu hogaaminaayo ayaa deeq lacageed oo dhan $40,000 oo kaash ah gaadhsiiyey qosaskii ay abaaruhu ku dhufteen todobaadkii hore magaalooyinka hoos yimaada degmadda Taleex ee gobolka sool.
Wasiirka oo kulan la qaatay madax-dhaqameedka deegaankaasi ayaa sheegay in lacagtan $40,000 ah ay ku soo dhiibtay xukuumadda Somaliland. Lacagtaasina loogu talo-galay oo kaliya dadkii ku xoolo iyo aduun waayey duufaantii waxyeeladda u gaysatay dad dhawr boqol oo qof gaadha.
Halkan ka daawo warka wasiirka Khayraadka Biyaha Somaliland:
This post is also available in:
Somali