Wasiirka iyo wasiiru ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo Xilalkii loo dhaariyey

MUQDISHO – (WARSOOR) – Wasiirka iyo wasiiru ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS Mudane Cabdisaciid muuse cali iyo maxamud cabdi Xassan Peko ayaa Maanta waxaa lagu Dhaariyey xarrunta guddoonka iyo guddiyadda ee Villa Hargeysa.

Waxaana Munaasabadda Dhaarintooda ka qeybgalay habdhowraha Golaha shacabka BJFS, Xildhibaano, iyo Wasiiro.

Wasiiradda cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa waxaa dhaariyay Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan maxamed xasan Nuux.