Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib-udhiska Soomaaliya oo Turkiga kula kulmay mas’uuliyiin

Turkey – (warsoor) – Wasiirka hawlaha guud iyo dib u dhiska xukuumadda FS Cabdifitaax Maxamed Ibraahim (Geesey) oo ku sugan dalka Turkiga ayaa la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Turkiga, waxaana ay ka wada hadleen arrimaha iskaashiga labada dhinaca.

Wasiirka  Geesey ayaa la kulmay Wasiirka magaalaynta iyo deegaamaynta Turkiga Maxamed Amiin, waxaana ay si gaar ah uga wada hadeen mashruuca Turkigu u balanqaaday Soomaaliya ee dhismaha 10-kun oo Guri.

Sidoo kale wasiirka ayaa la kulmay madaxda hay’adda Guriyeynta Turkiga iyo hay’ado kale oo dhinaca horumarinta dibadda ka shaqeeya, kuwaas oo muuujiyey inay qayb ka qaadanaayan dib u dhiska Soomaaliya.

Wasaaradda Howlaha guud iyo Dib u dhiska Dalka ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii loo dardargelin lahaa howlaha dib u dhiska dalka,iyadoo kaashanaysa dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya,sida Turkiga oo dowr muuqda ku leh horumarka dowladnimo ee Soomaaliya iyo tan shacabka intuba.

 

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.