Wasiirka horumarinta Beeraha Oo Kulan La Qaatay Maayarka Degmada Sallaxlay Iyo Isu-duwaha Wasaaraddaasi Ee Degmada

Hargeya – (WARSOOR) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Dr Maxamed Xaaji Cismaan ayaa kulan la yeeshay Maayarka dagmada Sallaxley oo uu wehilayo Isu duwaha Wasaaradda Beeraha ee dagmada Sallaxley Aadan Cabdiraxmaan Diiriye.



Kulankan ayay Maayirka Sallaxley iyo Isu duwuh wasaaradda horumarintu beeruhu ay wasiirka kaga siiyeen xog warran ku saabsan xaaladda wax soo saar ee degmada Sallaxley iyo caqabadaha ku gadaamam beeraleyda degmada, waxaana sidoo kale laga wada hadlay qodobada kala ah.


– Sidii beeralayda degmada kor loogu qaadi lahaa wax soo saarkooda loogana caawin lahaa caqabadaha haysta.


– Sidii loo keeni lahaa degmada mashaariic dhinaca beeraha ah iyadoo la kaashanayo hay’adaha ku shaqada leh.


–  Sidii loo hirgalin lahaa dhismaha Xafiiskii Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee degmada Sallaxley kaasoo dhulkiisa ay diyaarisay Dawladda hoose ee degmada Sallaxley.


geesta kale, wasiirka horumarinta beeeraha ayaa balan qaaday inuu wax ka qaban doono mashaariicda beeraha ee degmada, isagoo balan qaaday inuu dhismaha xafiiska iyo baahiyaha kaleba ku dadaali doono in wasaarad ahaan ay fuliyaan sannadka cusub ee 2022-ka, wasiirka ayaa sidoo kale ku bogaadiyay Beeraleyda Sallaxley siday ugu heellan yihiin inay waxsoosaar ay sameeyaan.