Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo la kulmay dhiggiisa Dawladda Kuwait “Sawirro”

Muqdisho (warsoor), Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye,  ayaa saaka gaaray Dalka Kuwait,  isaggoo ay la socdaan Ganacsato iyo Saraakiil ka tirsan Wasaaraddaasi.

Wasiirka, ayaa  waxaa madaarka ku soo dhoweeyey dhigiisa dalka Kuwait , waxaana kulan saacado socday ay kula yeesheen  Hotel Sheraton Kuwait.

Wasiir Maareeye oo beryahanba ku mashquulsanaa suuq geynta waxsoosaarka Soomaaliya, ayaa wuxuu hore u sii qaatay waxyaalo fara badan oo uu ku muujinayo wanaagga dhaqanka iyo Waxsoosaarka Soomaaliya sida Moos, Cambe, liin, Isbaandhays iyo Alaab dhaqan oo kale.

Waxyaabahaasi kala duwan ee Waxsoosaarka dalka ka turjumaya , ayaa waxuu Wasiirka  ugu  talo galay in uu Soomaaliya ugu soo jiido maalqabeenada dalalka carabta oo uu doonayo in ay dalka maalgashadaan, si dhalinyarada Soomaaliyeed shaqo u helaan.

 

Xigasho: Sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.