Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Oo Kulamo Gaar Gaar Ah La Qaatay Safiirada Dalalka Jarmalka iyo Kenya Ee Soomaaliya

MUQDISHO – (WARSOOR) – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo maanta Muqdisho kulan kula qaatay safiirka Jarmalka u fadhiya Soomaaliya ayaa kala hadlay Taakuleeynta Ciidanka XDS, gaar ahaan dhinaca howgalada socda.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Dowladda Jarmalka kaalinta ay ka qaadato doorkooda ku aadan taageeridda ay siiyan Ciidanka Xoogga Dalka.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo la kulmay Danjire Gn Rtd Thomas Safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya ayaa waxa ay ka wada hadleen Qorshaha ladagaallanka Khawaarijta iyo sidii Dowladda Kenya ay ugala shaqeen laheed Ciribtirka Khawaarijta.