Wasiirka Gaadiidka JSL Oo Furay Dhisme Loo Dhisay Xafiiska Wasaaradda Ee Gobolka Awdal


Boorme – (warsoor) – Boorme Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Cabdialahi Abokor ayaa furay dhisme loo sameeyey xafiiska wasaaradda ee gobolka Awdal, Munaasibada furitaanka oo ay ka qayb galeen masuuliyiin uu hoggaaminayo wasiirku oo safar shaqo ku joogay Axadii Magaalada Boorame, kana mid yihiin Agaasimaha Guud ee wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka, Maareeyaha hay’adda wadooyinka, iyo   Badhasaabka gobolka Awdal, Maayarka magaalada Boorama.

Wasiirka oo munaasibadaasi khudbad ka jeediyey ayaa waxa uu xusay muhiimada uu xafiiskani u leeyahay gobolka Awdal iyo inay todobaadka soo socda wasaaaraddu ka bilaabi doonto magaalada Boorama qaybinta liisamada gaadiidka.

Wasiir C/laahi Abokor Cismaan oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa  uu yidhi “Runtii maanta anaga waa noo farxad inay noo suurtogashay qodob ka mid ah qodobadii aanu u taagnayn, waxaanan jecelahay inaan maanta fursadan uga faa’iidaysto inaan ogeysiiyo bulsho weynta gobolka Awdal in maanta loo keenay adeegii Liisamada darawaliinta gaadiidka oo la casriyeeyey, shaqadaasi oo  wakhti badan nagu qaatay waxaanu rajaynaynaa inay Sabtida soo soo socota hawshani si rasmi ah u dhaqan gali doonto imtixaankaasi waxa uu ku xidhan yahay xarunta dhexe ee Hargeysa waana imtixaan adag oo Ficil iyo fikradba (Practical and Theory) loo sameyn doono ma dhici doonto si fudud in Liisan lagu qaato sidii hore u dhici jirtay, ujeedada ka dambaysaana waxa weeyaan si aynu badbaadino dadweynaheena ILAAHEY ayaa badbaadada hayee, qof kasta oo galaya imtixaankaasi waxa uu marka hore aqoon u yeelan doonaa shuruucda wado marista, waxa jira buug ay wasaaraddu soo saartay oo xambaarsa dhamaa qodobadaasi aan soo sheegay oo ka kooba  13 cutub, waxa ay sahli doontaa in qofka imtixaan adag la mariyo, macnaheeduna maaha inaan dadka dhibaataynayno, laakiin waxaan ogaanay shilalka sadex sababood ayaa keena waana darawal xumada, wado xumada iyo gaadiid xumada, sadexdaasi xaajaba maanta gobolka waanu u nimid oo waxaanu ka qayb galay tartanka qandaraaska hubinta tayada gaadiidka, wadada oo aanu soo kormeeray iyo tan aanu furayno oo liisamada ah, waxaanan rajaynayaa in qofku uu dareemo gaadhigu inaanu ahayn wax la fuulo uune uu qofku u arko inuu dareemo inuu gaadhigu khatar naftiisa u yahay”.

Maareeyaha wadooyinka Mr.Cismaan Aw Cabdi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxaan halkan wasiirka uga mahadnaqaynaa adeegii dadweynaha oo uu gobolka u soo  dhaweeyey oo maanta gaadiidka waxa weeyi cudud weyn dad badan ayaa ka shaqeeya dad badan ayaana adeegsada, markaa waa ALLE mahadii halkii ay ilaa caasimada ka tagi lahaayeen”.

Badhasaabka Gobolka Awdal C/raxmaan Axmed Cali oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Xaafiiska cusub ee uu sameeyey intii uu joogay wasiirka horumarinta gaadiidku aadbaan ugu mahadnaqayaa intaa wasiirku joogay ana waan joogay oo intaa wixii qabsoomayna waa wax noo wada qabsoomay”.

Maayarka magaalada Boorama Saleeban Xasan Xadi  oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi  “Wasiirka waan uga mahadnaqayaa safarkiisa uu ku yimid gobolka Awdal oo ka mid ah hawlaha qaranka loo hayo, ka degmo ahaana farxad bay noo tahay oo  wasaaradda gaadiidku xafiis halkan kuma lahaan jirin oo waxa uu la gali jiray wasaaradda hawlaha guud, waananu ku faraxsanahay in xafiiskii gaadiidka aynu fadhino oo wasiirku dhisay waana horumarka ku soo kordhay laamaha dawladda ee  kala duwan inay xafiisyadoodii fursad u helaan si ay waajibkooda u gutaan, markii hore shacab ayaa ku jiray oo waa halkii aanu kaadhadhka siinay si ay fursad ugu helaan dawladdu inay xafiisyadooda galaan”.

Isuduwaha Gobolka Awdal  Boorama ee Wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka  “Waxa aanu halkan ku soo dhawaynaynaa wasiirka wasaaradda horumarinta gaadiidka, guddoomiyaha gobolka Awdal, Maareeyaha hay’adda wadooyinka, duqa degmada Boorama, waxaananu halkan ku furaynaa xafiiskii wasaaradda gaadiidka ee gobolka Awdal oo loo dhisay xafiis lagaga shaqeeyo Liisamada, kala wareejinta iyo Bileedh Nambarka gaadiidka, gaar ahaan waxaanu daahfuraynaa xafiiskii Liisamada qof kastaana waxa uu liisanka ka heli doonaa gobolka Awdal, gaar ahaan xafiiska gaadiidka”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.