Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawadda XFS oo qaabilay Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Itoobiya

MUQDISHO – (WARSOOR) – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Duraan Axmed Faarax ayaa galabta xafiiskiisa ku qaabilay Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Itoobiya Getachow Mengiste iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Dalka soo gaaray.

Kulanka waxaa wasiirka ku wehliyay Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah ee soomaaliya Axmed Macalin Xasan iyo saraakiil kale, waxaana looga hadlay iskaashi dhexmara labada Hay’adood ee Duulista Rayidka ah u qaabilsan Dawladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawadda ah Duraan Axmed Faarax ayaa sheegay in muhiimad ay u leedahay iskaashiga duulimaadyadda Rayidka iyo Horumarintiisa, waxaana intaas uu ku daray in ka Soomaaliya ahaan Xariirada Hay’adda duulista rayidka ee Caalamka uu kor u kacay tan iyo markii maamulka hawadda ay Soomaaliya lasoo wareegtay.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ee Itoobiya Gatachow Mengiste ayaa dhankiisa uga mahad celiyay saraakiisha Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Soomaaliya sida ay u soo dhaweeyeen, waxaana uu sheegay in kulamada noocaan ah ay kor u qaadayaan iskaashiga labada Hay’adood iyo is-dhaafisga khibradaha Shaqo.