Wasiirka Duulista oo talooyin ka jeediyey madal boqolaal dhalinyaro ku xusayeen sannadguuradii 1aad ee Geediga Guusha

Hargeysa – (warsoor) – Wasiirka Wasaarada Duulista & Hawada, Mr. Farxaan Aadam Haybe ayaa shaaca ka qaaday in guusha qof walba ku xidhan tahay  siduu u aamino gaadhitaankeeda, iyo inuu lahaado hiigi meel gaadhitaankeeda hadafkiisu yahay.

Wasiir Farxaan oo hadal ka jeediyey madal boqolaal dhalinyaro goobjoog ahaayeen, qeybaha bulshada, marti-sharaf kale oo lagu xusay sannadguurada 1aad ee ka soo wareegtay aasaaska Geediga Guusha, ayaa ku bilaabay, “Waxaan u mahadcelinayaa xubnaha Geediga Guusha, ciddii fikirkaa lahayd, inta ku taageertay intii kala shaqeysay. In la guulaysto waxay ka bilaabmataa inaad aamintid, balse hadaanad hiigsi iyo halka hadafkaagu yahay lahayn, guulaysan maysid.

Wasiirka Duulista & Hawada Mr Farxaan Haybe ayaa sheegay in furaha guusha qof walba ku xidhan yahay qadarka Ilaahay, waxaanu yidhi,  “Furaha guusha qof walba waxay  ku xidhan tahay qadarka Ilaahay, waana arrinta udub-dhexaadka u ah qofku inuu ku samro, adkaysiga uu ku gaadhi karo himilada inuu guulaysto.

Mr. Farxaan ayaa sheegay in haduu qofku aqoon u leeyahay sababaha guuldara keena, taasi u sahlayso inuu ka baydho, si uu u guulaysto, waxaanu yidhi, “Qof walba waxaan kula talin lahaa inuu ogaado sababaha guuldarada keena si uu uga baydho, markaa guushu iyadaa kuu iman.

Geediga Guusha, oo ah madal dhalinyaro, oo lagu wadaago fikradaha dhalinyarada guulaystay ayey aasaaskeeda lahayd Dr. Zaynab Dr. Cabdillahi Walaaleye, oo ah dhakhtarad ku takhasustay Ilkaha ayaa ku dhamaatay jawi sare, inkastoo, Wasiirka Dhalinyarada Soomaalilaand, oo mudnayd inuu hormood ka ahaa taageeradeeda iyo taakulaynteeda, aanu ka muuqan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.