Wasiirka Difaaca Soomaaliya iyo wafdi ka socday Britain oo ka wada hadlay horumarinta Ciidanka Xoogga Dalka

Muqdisho -(WARSOOR) Wasiirka Gaashandhigga Xukumada Fadaralka Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Cali (Amar Dambe) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Masuuliyiin ka socotay Safaaradda Dowladda Britain ee Soomaliya ay ku leedahay.

Mudane Xasan Maxamed Cali ayaa Masuuliyiintaan kala hadlay kor u qaadista Shaqaalaha Wasaaradda iyo Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka

Masuuliyiinta ka Socotay Safaarada Uk ee Soomaaliya ayaa Wasiirka Difaaca Dalka u soo Bandhigay aragti ku aadan muhiimadd ay leedahay ka hortaga Askareynta Caruurta,iyagoona Balan qaaday in tababaro kor looga qaado Aqoonta Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Shaqaalaha Wasaaradda gaashandhigga Soomaaliya ay bixin doonaan.

Dowladda Ingiriiska ayaa ka mid ah wadamada ka taageera Soomaaliya dhinacyad amniga,dhaqaalaha dib u dhiska iyo horumarinta hanaanka dowliga ah ee dalka.

 

Xigasho: SONNA

This post is also available in: Somali

Leave a Reply

Your email address will not be published.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share via
Copy link
Powered by Social Snap