Wasiirka Caafimaadka Somaliland Oo Xarun Caafimaad Xadhiga Ka Jaray

Hargeysa – (warsoor) – Wasiirka wasaaradda caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xadhiga ka jaray xarun caafimaad oo laga hirgeliyey deegaanka Jararka Dabobuur ee galbeedka magaalada Boorama.

Sida uu ku soo waramayo wariye Abokor Xasan Caafi oo wakaaladda wararka Somaliland ee solna uga soo warama gobolka Awdal, waxaana ggobjoog ka ahaa xadhig ka jarka xaruntaas, maamulka gobolka Awdal, ka degmada Boorama, madax-dhaqameed, isuduwayaasha caafimaadka, waxbarashada ee gobolka Awdal iyo mas’uuliyiin kale.

Ugu horeyn waxaa halkaas ka hadlay sheekh Xasan Daheeye Axmed iyo Ifraax Cismaan oo ka socotay Bisha-cas, oo sheegay in ay hindiseen xaruntaas sannadkiii 2017-kii oo ay ka hirgeliyeen laba qol iyo Suuli, balse intii dambe ay xaruntaas gacan weyn ka geysteen qurbojooga deegaankaas oo lagu magacaabo MG Group, kuwaas oo ka hirgeliyey dhismaha maanta xadhiga laga jaray kuna wareejiyey wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland.

Sidoo kale, waxa halkaas ka hadlay xubno ku hadlayey afka dadka deegaanka oo ka mahad-celiyey xaruntaas caafimaad ee laga hirgeliyey deegaankooda, sheegayna in ay ilaashanayaan cidkasta oo gacan ka geysatayna illaahay uga baryey inuu miisaanka xasanaadka ugu daro.

Waxa kale, oo iyana halkaas ka hadlay isuduwaha caafimaadka ee gobolka Awdal Dr. Mustafe Muumin Muuse iyo maayarka degmada Boorama Saleebaan Xasan Xaddi, oo ballanqaaday in xaruntaasi habeen iyo maalin ay u shaqeyn doonto bulshada deegaankaas wixii taageero ah ee ay xaruntaasina u baahan tahayna ay diyaar ula yihiin.

Dhankiisana guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro) ayaa bulshada gobolka Awdal kula dardaarmay in ay taxadar sameeyaan, isaga oo xusay in xannuunka Karoona Fayras uu adduunka ku soo laba kacleeyey isla markaana loo baahan yahay in bulshadu ka warhayso, isaga oo intaas raaciyey in ay sameyn doonaan wacyigelin ku saabsan xaannuunkaas.

Gebogebadii waxa halkaas ka hadlay wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdilaahi, oo u mahadceliyey qubajoogta gobolka Awdal ee xaruntaas caafimaad hirgeliyey, wuxuuna wasiirku sheegay in qorshaha wasaaradda ay ku jirto ballaadhinta iyo horumarinta xarumaha caafimaadka ee Hooyada iyo Dhallaanka guud ahaan dalka, isaga oo xusay in ay toban xarumood oo caafimaad ka hirgelin doonaan gobolka Awdal.

Waxa kale, oo uu wasiirka caafimaadka Somaliland bulshada gobolka Awdal kula dardaarmay in ay qaataan kaadha codbixita doorashooyinka oo ay dhawaan dalka ka bilaabayaan guddida doorashooyinka qaranku.